Navigation
Home
Photo Galery
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
The Kroax
Rayo Tv
Random Media





Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha da’da yar ee madasha akhriska ee maskaxmaal mudane “C/laahi Xuseen Caateeye”
Waraysi Aad U Xiiso Badan Oo Aanu Layelanay Abwaan Weyn Mowliid Aden Qol Qol Qaybtii Koowaad.
Wareysi Aan La Yeelanay maamulaha markiska Salaaxudiin Islaamic Center Sh.cumar Axmed Cumar.
Wareysi Aan La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Shaybaadhka Ee Jamacada Caamuud Dr:maxamed Da'ud.
Wareysi Aanu La Yeelanay Maamulaha Dugsiga Sare ee Ubaya Binu Kacab Mustafe Muxumed Alabari.
Wareysi Aani La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ee Jaamacada Camuud Prof: Yurub C/raxman Muumin.
DR. Ali Sheikh Ahmed Abubakar(Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho) oo aan la yeelanay waraysi khaas ah .Q1aad,

No News
,
Taageerada Sangub ee KULMIYE waa haad geed waayey iyo riwaayadiisii .Xuudbaa Liqay Jacaylkii.
Waxaa Maalmahan wararka shabakadaha Somaliland kazoo noolaaday magaca ninka la yidhaahdo SANGUB, oo hore u ahaan jiray jillaa iyo hal abuur dad badani yaqaaniin.



Sangub wuxuu madaxda ka noqday wasaarada warfaafinta iyo hanuuninta kacaanka ee dhulka Somaliland waqtigaas lagu hayey cadaadis fara badan oo lawada xasuusto.



Ka dib gulufkii SNMta iyo shacabku ku qaadeen magaalooyinka Burco iyo Hargaysa waxay kaliftay in madax badan iyo ciidamo badani ka huleelaan markay xejin waayeen gumica rasaasta, hase yeeshee Sangub oo lagu ogaa in ahaa maamulo shicib ah wuxuu u xuubsiibtay in uu noqdo sarkaal sare oo ciidamada ah isagoo lebistay tuutahada dagaalka isla markaana isku jeeni qaaray silsilad dheer oo rasaas iyo qori iyo weliba laba bastalood.



Wuxuu markiiba la wareegay hoggaankii jabhadii laga soo ururiyey xaqootigi ku xayndaabnaa magaalada hargaysa, jabhadani waxay ahayd ciidamadii dadka ka nadiifiyey in uu hal qof ku dhuunto, waxay ahaayeen kuwii xasuuqa badan u gaystay dad badan oo guryohoodii alaab iyo agab kale u soo doontay.



Jabhadan uu Sangub madaxda ka noqday may ahayn mid si lama filaan ah dagaalka ugu biirtay balse waxay ahayd mid fulinaysa waajibaad iyo straatijiyad hore loo qorsheeyey isla markaana soo bilaabatay ilaa maalintii la soo dejiyey degaamada Somaliland taasoo uu ku talo galka kacaanku ahaa in lagu bedelo dadka u dhashay goboladii waqooyi ee waqtigaa kuwaasoo kasoo horjeeday nidaamkii dad cunka ahaa ee ka jiray wadanka.



Damaca jabhadii uu madaxda ka ahaa Sangub oo hiil iyo hooba ka helayey taliskii waqtigaas wuxuu is tusay in ay timi maalintii ay sugayeen waxayna isku weegaareen Burco, Hargaysa ilaa marsada Berbera, guushaas iyo dmacaasi wuxuu ku abuuray qab iyo isla wayni degdeg ah ka dib markii taliskii Siyaad Barre iyo jabhadaas isku maandhaafeen lahaanshaha iyo ayaao ka talinta goboladaas, waayo waxaa is barbar socday laba damac oo kal ahaa:



Siyaad Barre oo xukunkiisa iyo u raadinayey cimri dherer,

Halka Jabhada xaqootigu ku talo gashay in ay hantido lahaanshaha dhulka uu dego dadka taageera SNM oo dhan.



Hindisahan oo ah kii Sangub tuudaha u geliyey waxaa dabada ka waday saraakiisha Sarsare ee taliska guud ee ciidamadii Somaliya oo ahaa kuwo ka tirsan jabhadaas iyadoo aad arki kartid in si badheedh ah gacanta loogu geliyey hoggaanka dagaalka rag isku wada reer ah oo loo geliyey derejooyin sare sare oo macmil ah oo aanay aqoonteeda lahayn, bal ila eeg kooxdan.

Gen Gabyow wasiirkii gaashaandhiga,

Gen Maxamed Cismaan Taliyaha ciidanka Badda ,

Gen Adan Kuukay, Taliyaha Ciidamada Policka

Gen Siyaad Daauud Taliyaha difaaca Cirtka,

Gen Cabdiraxman Khaliif Dhicis, Taliyaha taakulaynta guud ee ciidamada,

Gen Maxamed Muumin Doolaal, Taliyaha istaratijida iyo siyaasada

Gen Muuse Xasan Maxamed Cabdule Xasan, Madaxa saraakiisa

, Col Maxamed Cumar Jees hoggaanka dagaalka ee gobolada waqooyi.

Col Cabdifataax Jaamac Caamir, Taliye Gaas gobolada waqooyi

Col Maxaned Jaamac Caamir Taliyaha ciidanka cirka Balidoogle waxaa kaloo hoos iman jiray calooshooda u shaqystaashii loo soo kryastay in ay dadka xasuuqaan.

Col Shugri Dheere, Abaanduulaha qaybta 26aad Hargaisa,



intaas iyo in ka badan oo hayey xilal sare sare ayaa isku xidhiidhsanaa oo ka wada tirsanaa jabhadda qaxootiga Somali Galbeed, Sangubn wuxuu ka mid shabakadaas loo abuuray dhegarta iyo xasuuqa.



Ujeedooyinkaas is huwan waxaa wax aan suurto gelin ka dhigay ururkii xaq u dirika oo kaashanaya shacabkiisa iyo ilaaha awooda badan, taasina waa ta keentay in jadaafta loo laabo hamigaa iyo damacaa inta badan laga shaqeeyey, jabhaddaa iyo hoggaankeedii oo Sangub ka mid ahaa waxay ka hulleeleen markii ay rumowday “haddaan shaashka derejada dalacaada laga nixin janada durduurta ah haddaan daadku soo qubin “Hadraawi`” .



Sangub wuxu ku jiraa liiska ugu horreeya ee dembiilayaasha dagaalka ee xasuuqa gaystay, in uu difaaco Cali Samater waa wax dani badday waayo haddii lagu guulaysto in dembiilayaashii xasuuqa gaystay la dabagalo waxaa dharaarta ka cad in albaabkiisa xaqu soo garacaayo.



Waxaan kusoo gunaanadayaa in aad KULMIYE, UDUB iyo UCID kala doorataa maaha wax adiga kuu yaala waxaa kaaga haboon in aad cafis waydiisatid umadda reer Somaliland iyo ilaahay oo weliba aad cambaaraysid jabhadii aad ka tirsanayd iyo wixii ay gaysatay ee weli wado in ay baabuurta shacabka ku gubaan si naxariis darro ah . Taageerida aad ugu yaboohday KULMIYEna maaha mid lagaa guddoomay waana HAADGEED WAAYEY iyo Riwaayadaadii XUUDBAA LIQAY JACAYLKII.



Wa Bilaahi Towfiiq

Saleebaan JD Guuleed

UK
Comments
#1 | mulberrysale on March 16 2013 01:07:36
Many people feel tempted to buy an inexpensive replica watch instead of spending a fortune on an original IWC watches, for example. Truth be told, wearing a Cheap Replica Watches is no shame at all, actually it's quite popular nowadays all around the world. However, what most people don't know is that, like any purchase, it must be done with care and proper before-hand research.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo
Proff.Axmed Ismaacil Samatar Jaaliyada Soomaaliyeed ee magalada Oslo kula kulmay Jaamacada Oslo..(Sawiro)
Openion / Fikrada
'Ninna dhuunibuu kuu dhex joogaa; Ninna dhaqashuu kuugu dhabar Jabay'
MUWAADIN/MUWAADINAD 1$ UGU TABARUC WADDADA BOORAME IYO HARGEYSA ADIGA I...
TOLNIMO WAA DUGSIYE YAAN LA ISU KEEN DIRIN
Bulshooy codkaagii ma kootiyo wareegto la eedo buu dhalay!
Congratulations to AMAAL Xaaji A. Miisaan
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ...
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s phil...
Message To Awdal People (Conference in Minesota) By: Dr Mohamed-Rashid
Taageerada Sangub ee KULMIYE waa haad geed waayey iyo riwaayadiisii .Xuu...
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.