Navigation
Home
Photo Galery
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
The Kroax
Rayo Tv
Random Media





Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha da’da yar ee madasha akhriska ee maskaxmaal mudane “C/laahi Xuseen Caateeye”
Waraysi Aad U Xiiso Badan Oo Aanu Layelanay Abwaan Weyn Mowliid Aden Qol Qol Qaybtii Koowaad.
Wareysi Aan La Yeelanay maamulaha markiska Salaaxudiin Islaamic Center Sh.cumar Axmed Cumar.
Wareysi Aan La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Shaybaadhka Ee Jamacada Caamuud Dr:maxamed Da'ud.
Wareysi Aanu La Yeelanay Maamulaha Dugsiga Sare ee Ubaya Binu Kacab Mustafe Muxumed Alabari.
Wareysi Aani La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ee Jaamacada Camuud Prof: Yurub C/raxman Muumin.
DR. Ali Sheikh Ahmed Abubakar(Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho) oo aan la yeelanay waraysi khaas ah .Q1aad,

No News
,
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Maalinta Hooyada

Waddamada adduunka intooda badan ayaa bisha May xusa maalinta hooyada. Dhab ahaantii haddii Hooyada wanaageeda lagu xuso ammin kasta iyo aradka kasta oo la joogaba lama gudi karo xaqeeda, hase yeeshee waxa lagama maarmaan noqotay in ay yeelato maalin lagu xusuusto.

Haddaba heestan soo socota oo la yidhaahdo HOOYO waxan ku xusayaa hooyaday Sheekha Raxma Cige Dirir oo hooyonimada ka sokow ah macallinkaygii ii bilowday Alif-Ba’da ee i bartay akhriska iyo qoraalka Quraanka iyo Afka-Carabiga,

indhahayga u furtay nuurka aqoonta. Waana ababiyahaygii igu anqarisay jacaylka suugaanta iyo dhaqanka ee aan sheekooyinkeedii, halaanhalkeedii iyo tixihii ay ii dareerin jirtay yaraantii ay ii noqotay ceel wahdi ah oo aan iga maaxdumin iyo sahay aan madhanayn oo aan kaga gudbo suudiga waayaha, kana qadhaabto midhaha aan suugaanta ku curiyo.

Heesta aniga oo munaasabadda maalinta hooyada u hibaynaya hooyaday waxa la wadaaga hooyo kasta oo adduunka joogta, gaar ahaan kuwa fahmaya Af-Soomaaliga ay heestu ku qoran tahay. In kasta oo ay habboonayd in heesta la dhegeysto iyada oo muusig wadata, xilliga ayaa igu simi waayey, muusiguna goortiisa ayuu iman doonaa isaga oo sida heestu u qorantahay uun u dhici doona.

HOOYO
Dunidoo holcaysoo
Hooyo
Halasuhu wax leefay
Hooyo
Halkaad adigu joogtiyo
Hooyo
Hadh qaboobidaayey
Hooyo
Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo.

***
Jiilaal hawaarsaday
Hooyo
Hamadigu wax laayay
Hooyo
Goshaad igu habaysiyo
Hooyo
Hugaagii dugsoonaa
Hooyo
Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
***

Colaad la isku hiifiyo
Hooyo
Meel balo ka hoortay
Hooyo
Hoobeeyadaadaan
Hooyo
Hurdo nabad ku seexdaa
hooyo
Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
***

Anoo kaa hulleelaad
Hooyo

Hareertayda joogtaa
Hooyo

Dhagixii i hantaaqaba
Hooyo
Hobo' baad i leedahay
Hooyo
Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
***

Anoo kuba hilmaamaad
Hooyo

Laabta igu haysaa
Hooyo

Habaar iima quudhide
Hooyo
Ducaad igu hagoogtaaa
Hooyo
Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
***

Halyeey iyo haldhaa iyo
Hooyo
Hoodo iyo Hibaaq dhala
Hooyo

Hadba kii hafeef qaba
Hooyo
Hurdadawga saakuma
Hooyo

Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
***

Waan arkaa humaaggii
Hooyo

Adoo igu hadraayee
Hooyo

Hadhka iyo habeenkii
Hooyo

Waan kugu hadaaqaa
Hooyo

Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
***


Eebbeheen ku hanayoo
Hooyo

Wadka maalmo kaa hay
Hooyo

Oo jannooyin hooda leh
Hooyo

Ku waar hoyga aakhiro
Hooyo

Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo


©Bashir Goth, 09 May 2010
Email: bsogoth@yahoo.com
Comments
#1 | mulberrysale on March 16 2013 01:08:37
These Swiss Replica Watches have become extremely popular and have become the most preferred fashion accessory for both men and women. One of the major reasons why these counterfeit Breitling watches are popular is the fact that the original, branded watches come with a heavy price tag, which many people can't afford to buy.
#2 | asicsning on March 23 2013 21:46:00
reading useless will gradually spread in the society, and the existence of the sound,Vibram Five Fingers UK Sale in fact, is the bottom layer of complaints from the people!
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo
Proff.Axmed Ismaacil Samatar Jaaliyada Soomaaliyeed ee magalada Oslo kula kulmay Jaamacada Oslo..(Sawiro)
Openion / Fikrada
'Ninna dhuunibuu kuu dhex joogaa; Ninna dhaqashuu kuugu dhabar Jabay'
MUWAADIN/MUWAADINAD 1$ UGU TABARUC WADDADA BOORAME IYO HARGEYSA ADIGA I...
TOLNIMO WAA DUGSIYE YAAN LA ISU KEEN DIRIN
Bulshooy codkaagii ma kootiyo wareegto la eedo buu dhalay!
Congratulations to AMAAL Xaaji A. Miisaan
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ...
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s phil...
Message To Awdal People (Conference in Minesota) By: Dr Mohamed-Rashid
Taageerada Sangub ee KULMIYE waa haad geed waayey iyo riwaayadiisii .Xuu...
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.