Navigation
Home
Photo Galery
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
The Kroax
Rayo Tv
Random Media





Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha da’da yar ee madasha akhriska ee maskaxmaal mudane “C/laahi Xuseen Caateeye”
Waraysi Aad U Xiiso Badan Oo Aanu Layelanay Abwaan Weyn Mowliid Aden Qol Qol Qaybtii Koowaad.
Wareysi Aan La Yeelanay maamulaha markiska Salaaxudiin Islaamic Center Sh.cumar Axmed Cumar.
Wareysi Aan La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Shaybaadhka Ee Jamacada Caamuud Dr:maxamed Da'ud.
Wareysi Aanu La Yeelanay Maamulaha Dugsiga Sare ee Ubaya Binu Kacab Mustafe Muxumed Alabari.
Wareysi Aani La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ee Jaamacada Camuud Prof: Yurub C/raxman Muumin.
DR. Ali Sheikh Ahmed Abubakar(Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho) oo aan la yeelanay waraysi khaas ah .Q1aad,

No News
,
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
Waxay warbaahinta Somaliland fidisay digniin uu Afayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) uu u jeediyey saxaafadda isaga oo uga digay falanqaynta iyo faragalinta wax ka arrimaha Diinta iyo Qabiilooyinka.
Ma aha markii ugu horreysay ee Cukuse uu isticmaalo erayga “digniin”. Waxana la yaab leh nin sheeganaya Afyeen Madaxweyne oo isticmaalaya erayga “digniin”.


Haddaba waxa habboon in uu Cukuse ogaado in aan erayga digniin ku jirin xeeraka Afayeenada Madaxda. Saxaafadda digniin lama siiyo. Maxaa yeelay marka aad tidhaahdo “Waxan uga digayaa” waxa daba taalla ciqaab, waxa ka dhadhamaya digtaatoornimo, waxay xambaarsan tahay “shaqo ayaan idinka qaban doonaa”, waxay la mid tahay ul taagan. Waa car juuq haddii kale is jira. Digniini ma aha hadal ku habbon Afayeen dal dimoqraadi ah oo xaqdhawraya saxaafadda xorta ah ee aad adigu bahda ka ahaan jirtay.


Afayeenka waxa looga fadhiya in uu erayada uu odhaanyo ka fiirsado, eray kastana eego miisaanka uu leeyahay iyo macnaha uu xambaarsan yahay. Waa in uu wax kasta magaciisa ugu yeedhaa. Taasina arrin fudud ma aha haddii ay isga la dhib yartahay.


Waxa jirta sheeko tidhaahda faylasuufkii Shiinaha ee la odhan jiray Konfushiyas (Confiucius) ayaa mar la weydiiyey waxa ugu horreeya ee uu qaban lahaa haddii dalka xukunkiisa loo dhiibo. In yar markuu fikiray ayuu ku jawaabay:

“ Waxa ugu horreeya ee aan qaban lahaa waxa weeyi waxan sixi lahaa wax kasta magaciisa. ( I would rectify the names of things).

” Ninkii su’aasha u soo jeediyey ayaa isaga oo yaaban weydiiyey: “oo arrintaasi siday xukun wanaag u keeni kartaa?” Markaas buu faylasuufkii ku jawaabay: “ Marka wax kasta magaciisu qaldan yahay, hadal caqliga gala laguma hadlo. Marka uu hadalku caqliga geli waayana waxna sida igu habboon looma qabto.

Marka waxna sida ugu habboon loo qaban waayana dhismaha bulshada ayaa dhaawacma. Marka dhismaha bulshadu dhaawacmana ciqaabta iyo dambiga ayaa is leekaan waaya. Marka ciqaabta iyo dambigu is leekaan waayaana dadku waxay garan waayaan wax ay sameeyaan. Ninka qumani wax kaleba ha sameeyee waa in aanu hadal aanu u meel dayin ku hadal.” Sidaas bay diinteenuna u tidhi:

“ (ilaahay) Aadam wuxu baray magacda….Wa calama Aadma Al Asmaa…”
Haddaba Cukusow waa inaad garataa in erayga kaa soo baxaa haddii aanad u meel dayin uu dhaawac gaadhsiin karo Madaxweynaha iyo dawladdaba. Hadhawna aanad Saxaafadda ku canaanan Karin.

Haddaba waxa lagaaga fadhiyaa ma aha digniino aad bixiso ee waxa kuu banaan in aad beeniso wixii aan jirin ee saxaafaddu qorto oo aad bayaamiso waxay runtu tahay. Erayada aad adeegsan karto marka aad doonayso in aad saxaafadda toosiso waxa ka mid ah: “ Waxa habboonayd, runtu waxay tahay, waxa wanaagsan, ilama habboona, way fiicnaan lahayd, waxan talo ku bixin lahaa iwm…”. Markaa digniin maya.

Waxa kale oo aad saxaafadda uga DIGTAY in ay ka fogaato ka hadalka amuuraha Diinta iyo Qabiilka. Waxase hubaal ah in aanay saxaafaddu abuurin muranka diinta iyo hadalhaynta qabiilka midna. Saxaafaddu waa dhuunmareen (medium) oo wixii dhaca ayuun bay werisaa. Qabyaaladda waxa baabiisa caddaalad.

Haddii ay xukuumadda jirtaa caddaalada baahiso qabyaaladda hadalhaynteedu wuu iska baaba’aa, laakiin ha ka hadlina kuma aasanto. Waxad ogsoon tahay in Diktaatoorkii Siyaad Barre uu yidhi qabyaaladdii waan aasnay ee qofna yaanu ku hadlin isaguna uu hoosta ku haystay. Markaa arrintiisu waxay ahayd aniga ayuun bay ii banaan tahay in aan ku shaqaysto.

Haddaba markaad amrayso saxaafadda in aanay qabyaalad ka hadlin miyaad illowday in ay saxaafaddu tahay ta looga baahan yahay in ay iftiimiso qaladaadka xukuumadda ee qabiilku ka mid noqon karo. Wuxu hadalkaagu u egyahay in aad leedahay indhaha naga weeciya waxbaan laaqanaynaaye. Ogsoonow saxaafaddu haddii ay u muuan weydo qabyaalad xukuumaddu waddo wax aan jirin qori mayso.


Arrinta diinta waa laga hadli haddii xukuumaddu soo kala dhex gasho dadka iyo ilaahay. Dadkeenu Muslim buu ahaa 14 qarni iyo ka badan. Markaa haddii Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu fidmo abuuro oo uu yidhaahdo wixii aad soo caabudayseen aniga hortay waa waxba kama jiraan ee anigaa dariiqa toosan idinku ridaya saxaafaddu xaq bay u leedahay in ay dadka weydiiso in ay raalli ka yihiin iyo in kale. Xaq bay u leedahay in ay farta ku fiiqdo in diin waageeni ahi ina soo gashay,

xaq bay u leedahay in ay sidii dacawga ka daba cido ciddii ummadda soofdaran habaabinaysa. Haddii aad doonayso in aad sida gorayada madaxa aasato saxaafadda waxa ku waajib ah in ay dadka tusto in qarqarka dambe uuni ku muuqdo oo uu maduxu ku aasan yahay.


Hadalkaagu wuxu u egyahay in saxaafaddu damqaday boogo aad doonayso in ay qarsoonaato ama ajandha aad soo wadateen oo aydaan doonayn in dadku ogaado.

Haddiise ay kaa daacad tahay waxa fiicnaan lahayd in aad faahfaahin ka bixiso hadalada laga argagaxay ee fidna diineedka inagu abuuri kara ee ka soo yeedhay wadaadka aad arrimaha diinta u dhiibteen. Mase illoobay wadaadku in Idaacaddu hoos timaaddo Wasiirka Warfaafinta oo aanu isagu shuqul ku lahayn. Miyuuse illoobay in dalka xornimo ka jirto oo aanu cidna ku dirqiyi Karin bucsharad uu dibadda kala yimid.

Ogsoonow Cukusoow saxaafaddu aamusi mayso weliba waxa u dambaysa in ay badka soo dhigto halka wadaadku ka damqanayo iyo cidda uu gacan hoosaadka la leeyahay. Haddaba inta aad saxaafadda u dig iyo damlaynayso bal horta xukuumadda aad Afyayeenka u tahay bar sida wax walba magaciisa loo yidhaahdo adiguna u bilow, had iyo jeerna xusuuso in saxaafaddu mabda’eegu yahay: “wax la qariyo qudhun baa ku jiro.”

Bashir Goth
Email: bsogoth@yahoo.com
Comments
#1 | mulberrysale on March 16 2013 01:07:12
The Fake Watches womens watch you wife is wearing is another replica watch. Yes there is both male and female replica watch. Most leading brands of famous replica mens watches are in fact a replica watch. Just search the net for Omega Watches and you will find many replica watch sites specializing in only replica watch.
#2 | asicsning on March 23 2013 21:44:33
Vibram FiveFingers UK Today's Chinese society's widespread reading useless, is not the rural children lose interest in reading,
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo
Proff.Axmed Ismaacil Samatar Jaaliyada Soomaaliyeed ee magalada Oslo kula kulmay Jaamacada Oslo..(Sawiro)
Openion / Fikrada
'Ninna dhuunibuu kuu dhex joogaa; Ninna dhaqashuu kuugu dhabar Jabay'
MUWAADIN/MUWAADINAD 1$ UGU TABARUC WADDADA BOORAME IYO HARGEYSA ADIGA I...
TOLNIMO WAA DUGSIYE YAAN LA ISU KEEN DIRIN
Bulshooy codkaagii ma kootiyo wareegto la eedo buu dhalay!
Congratulations to AMAAL Xaaji A. Miisaan
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ...
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s phil...
Message To Awdal People (Conference in Minesota) By: Dr Mohamed-Rashid
Taageerada Sangub ee KULMIYE waa haad geed waayey iyo riwaayadiisii .Xuu...
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.