Navigation
Home
Photo Galery
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
The Kroax
Rayo Tv
Random Media





Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha da’da yar ee madasha akhriska ee maskaxmaal mudane “C/laahi Xuseen Caateeye”
Waraysi Aad U Xiiso Badan Oo Aanu Layelanay Abwaan Weyn Mowliid Aden Qol Qol Qaybtii Koowaad.
Wareysi Aan La Yeelanay maamulaha markiska Salaaxudiin Islaamic Center Sh.cumar Axmed Cumar.
Wareysi Aan La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Shaybaadhka Ee Jamacada Caamuud Dr:maxamed Da'ud.
Wareysi Aanu La Yeelanay Maamulaha Dugsiga Sare ee Ubaya Binu Kacab Mustafe Muxumed Alabari.
Wareysi Aani La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ee Jaamacada Camuud Prof: Yurub C/raxman Muumin.
DR. Ali Sheikh Ahmed Abubakar(Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho) oo aan la yeelanay waraysi khaas ah .Q1aad,

No News
,
Bulshooy codkaagii ma kootiyo wareegto la eedo buu dhalay!
Tan iyo intii xukumada siilaanyo la wareegtay maamulka dalka waxaa madaxtooyada ka soo burqanayey wareegtooyin doora oo aan badhkood si cilmiyeysan looga baaran degin lagana fiirsan raadka, saameeynta iyo cidhib danbeedkay bulshada dhexdeeda ku yeelan karaan sida colaad,khalkhal iyo dibudhac.wareegtooyinka xukumadda siilaanyo soo saarto waxay had iyo jeer dhaliyaan xasaasiyad iyo doodo xajiimaysan oo warbaahinta laysku weydaarsado,

Muujinayana in lagu kala aragti duwan yahay hadafka iyo fariimaha wareegtooyinku xanbaarsan yihiin kuwaasoo badiyaaba bulshada kala fadila suurtogalna ka dhigi kara in wadajirka umadu kala faquuqmo aakhirkana hayb iyo kooxo loo kala safan karo,qaarkalana waxa laga dhaxlaa cawaaqib xumo iyo mudaharaadyo halisa oo bulshoweynta somaliland ku dhex abuura jawi qalafsan oo dalku ku sigto inuu galo xaalad murugsan,kaaga darane wareegtoyinka badidooda maba muuqato baahi loo qabo waqtiga la soo saarey sida wareegtadii sababtey khilaafkii ugu daraa abid ee lagu soo dhextuuray maamulka jaamacadda xukumaddu maamusho ee hargeisa inkastoo wareegtadaa madaxweyne siilaanyo ka noqdey markuu arkey xasaraddey koobsatey.

Waxaa run iyo biyo kama dhibcaana in wareegtooyinku soo saarey madaxweyne siilaanyo qaarkood murunadii iyo yooyootankay dhaliyeen weli taagan yahay sida wareegtada kootada kaybalka isgaadhsiinta (submarine fiber optic cables)oo dadka taageersan iyo kuwa diidan doodahooda iyo xafiiltankoodu mararka qaar cirka isku shareero,kootoyinka caynkan oo kale ahi waxay lid iyo docfaruur ku yihiin dastuurka iyo shuruucda dalka waxaana laga fili karaa inay sababaan jahawareer iyo murug siyaasadeed ka xoog weyn kuwan hadda aloosan.haddaba aan isdultaago dulucda qormadeyda ee wareegto kootaysani maxay tartaa?

Bulshaday kala fadishaa! Waayo wareegtadii koowaad ee madaxweyne siilaanyo soo saarey intii xafiiska loo dhaariyey waxay ahayd kootada kaybalka isgaadhsiinta loogu xidhay shirkadda somcable muddo 25 sanno ah (mudada cimriga keybalku shaqayn karo). wareegtadani waxay xuquuq gaara u siinaysaa shirkada somcable inay keligeed keeni karto,kana ganacsan karto kaybalka haddaan si kale u dhigana inaan lala wadaagi Karin,lagulana tartami Karin isgaadhsiinta dalka mudo 25 sanno ah.

Kootadu waa mashruuc horseedi kara khalkhal ganacsi,lidna ku ah ganacsiga xorta ah dhinac kale haddaan ka istaagnana diinta islaamka iyo qaanuunka dalku midkoodna ma ogola kooto ganacsi (monopoly).

Nidaamka kootadu wuxuu dib ugu celin karaa bulshada taariikho xunxun,fashilaad ama hagardaamooyin dalkani ka soo gudbay berri hore oo aynu xasuusan karo xanuunkay lahaayeen iyo raadadkey ka tageen,haddaan kootooyinka la xakamayna waxaa suurtogal ah In ifafaaleyaal isku dul noolaansho degdeg u soo muuqan karaan,haddii iskudul noolaansho timaadana burbur filo!.hadal gunbuu leeyahaye kootada isgaadhsiintu waxay hordhac u tahay xeelado cusub oo lagu wiiqaayo wadajirka iyo wada noolaanshaha bulshoweynta reer soomaaliland.

Ogow dastuurka iyo dhaqanka ganacsiga soomaaliland-ba waxaa ku qeexan in ganacsigu xor iyo tartan yahay dalkana cid kastaa maalgashan karto muwaadin iyo ajaaniba balse mihiimadu tahay in qaanuunka la waafajiyo.haddaba maxaa sababey in madaxweyne siilaanyo ogolaado kootadii uu ka qeylin jiray markuu mucaaridka ahaa,islamarkaana jadiidiyo kuwo dahsoon oo xukumadihii ka horeeyay galeen?

Muxuuse madaxweyne siilaanyo sidii uu hore u ballanqaadey boqolkii maalmood ee muddo xileedkiisa u horeeyay barlamaanka u horkeeni waayey heshiishyada kooteysan ee isaga iyo xukumaddiisu galeen si loo looga doodo? Murti baa ah timir laf baa ku jirta!.muxuu riyaale ku waayey kalsoonida shacabka ?

sahlanaa dee gabood fal sharci sida kootadii shidaalka total iyo kootadii xoolaha aljaabiri!.haddaba haddii somcable jabuuti-somalilader tahay dalkom-na Somali-somalilander maxaa ka maanacaya inay ku tartaman suuqa ka ganacsiga isgaadhsiinta iyo keenida kaybalka
marba haddii qaanuunka dalku ogol yahay maalgashi shisheeye iyo maalgashi wadani labadaba.

wareegtooyinka ka soo baxa madaxtooyada qaar badan baan la mahadin sida tii lagu magacaabey guddidii hogaaaminta jaamacadda xukumaddu maamusho ee hargeisa,wareegtadaasi waxay abuurtey khalkhal,muran,boos ceshi iyo isxulufaysi dhaliyey mudaharaadyo ka aloosmey jaamacada gudaheeda,

Abaabulayaashii mudaharaadka qaar maamulka cusub ayey ku taageerayeen qaarkalana wey ku diidanaayeen si kale haddaan u dhigana mudahaaradyo ujeedo badana oo khalkhaliyey habsami u socodkii hawlaha waxbarasho iyo maamul ee jaamacadda aan ku soo koobo!.wixii qalalaase iyo qas dhexmaray bahda jaamacadda (ardey iyo maamulba) iyo hadaladii qaawanaa ee warbaahinta laysku weydaarsadey maalmihii xaaladu cakirnayd wareegtadii madaxtooyadu soo saartaa koobsatey.

Waxaase nasiibdaro ah in madaxweyne silaanyo wareegtadii hore wareegto kale oo burinaysa ka soo daba saarey, yeelkeede wareegtadaasi waa tii sababtay khilaafka iyo shakiga soo kala dhexgalay maamuladuu madaxweyne siilaanyo jaamacadda u magacaabey,wareegtadanu waxay bixisay sawir ah inaaney markii horeba kalsooni iyo hubsiimo ku filan haysan oo docfaruur ahayd.

La soco qeyb kale oo xiiso badan.

ENG: MAXAMED JAAMAC AXMED (MASKAX)
Comments
#1 | mulberrysale on January 30 2013 18:39:56
wear this skeepskin boots to go through winter Ugg Boots UK which is available in chestnut colorCheap Uggs UK Schoenen boots provide the perfect insulation and comfort for Cheap Ugg Bootsthe winter months.
#2 | asicsning on March 23 2013 21:47:06
Because the education justice is both rural and urban, or officials. Like this fallacy, after king members still less hair is wonderful! When good your member, work more and do less to sin, people will be very grateful!Vibram Five Fingers
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo
Proff.Axmed Ismaacil Samatar Jaaliyada Soomaaliyeed ee magalada Oslo kula kulmay Jaamacada Oslo..(Sawiro)
Openion / Fikrada
'Ninna dhuunibuu kuu dhex joogaa; Ninna dhaqashuu kuugu dhabar Jabay'
MUWAADIN/MUWAADINAD 1$ UGU TABARUC WADDADA BOORAME IYO HARGEYSA ADIGA I...
TOLNIMO WAA DUGSIYE YAAN LA ISU KEEN DIRIN
Bulshooy codkaagii ma kootiyo wareegto la eedo buu dhalay!
Congratulations to AMAAL Xaaji A. Miisaan
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ...
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s phil...
Message To Awdal People (Conference in Minesota) By: Dr Mohamed-Rashid
Taageerada Sangub ee KULMIYE waa haad geed waayey iyo riwaayadiisii .Xuu...
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.