Suxufi Khibrad iyo Waayo aragnimo Uleh Mihnada Saxaafada Oo Sheegay In uu Dalka Ka Hirgalinayo Idaacad Madaxbanaan
Hargeysa(SNN)Maxamed Yaasiin oo ah Suxufi khibrad iyo waayo aragnimo badan uleh mihnada saxaafada mudo badana kusoo shaqeeyay isagoo kasoo howl galey idaacado badan oo ay BBC du kamid tahey iyo Wargeysyo kala duduwan, oo booqasho hada kujooga dalka ,ayaa sheegay in uu dalka ka hirgalinayo idaacad madaxbanaan.
Suxufi Maxamed Yaasiin oo hada ka shaqeeya Idaacad weyn oo kutaala dalka ingiriiska oo layidhaa SPECTRUM RADIO oo ay kabaxaan barnaamijyo afsoomaali ah oo dalalka Yurub aad looga dhageysto oo uu kayahey Barnaamij soo saare waxa uu xogewaran kusahabsan ujeeda socdaalkiisa ee xiligan Somaliland kuyimid iyo howlaha uu damacasan yahey in uu dalka kahirgaliyo uga waramey qeybo kamid ah warbaahinta maxaliga ah ee Somaliland isagoo oo ku sugan Huteel Emperial ee Magaalada Hargeysa.
Waxa uu sheegay in uu hada kuguda jiro in uu sida ugu dhakhsaha badan dalka uga hirgalinayo Idaacad Madaxbanaan oo layidhaa PRESS RADIO isagoo arimaha kahadlayana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan.
“ Walaal waxan kamid ahey Suxufiyiinta kahowlgala Idaacada SPECTRUM RADIO oo kutaala cariga ingiriisaka gaar ahan London,oo aan barnaamij soo saare ka ahey waxan hada kuguda jiraa inaan dalka Somaliland kahirgaliyo Idaacad Madaxbanaan oo layidhaa PRESS RADIO oo aan anigu hantidayda gaarka ah ku maalgalinayo taas,oo hada howsheedii ii socoto runtiina waxan doonayaa inay Idaacadaasi ku shaqeyso dhexdhexaadnimo oo ay u shaqeyso danyarta iyo dadweynaha waxana igu kalifay kadib markii aan ogaadey baahida loo qabo idaacadaasi oo aaney noqonin mid ku shaqeysa qaab jabahdeed ee sadexda Xisbi Qaran iyo bulshadaba u dhexeysa oo danyartu fariintooda ka gudbiyaan”Ayuu Yidhi Maxamed Yaasiin.
Waxanu intaa ku darey hadalkiisa “Idaacada aanu hada ka shaqeyno waa mid ay Dowlada Ingiriisku si dadban u maalgaliso oo ka duwan sida ay umaalgaliso idaacada BBCda taas,oo aad looga dhageysto dalalka Yurub intooda badan waxanan ka shaqeynayey shantii sano ee ugu danbeeyay aniga iyo dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed Yurub iyo dalalka dibada intooda badan waxa loogu dhageystaa si caadiya laakiin,halkeena waxa lagu dhageystaa boga inte rnetka,mihnada saxaafadana ma aha markii iigu horeysay ee nooceeda ah oo aan Idaacadaas uun kaga soo howlgalo ee waxan kasoo shaqeeyay laanta Afsoomaaliga ee idaacada BBCda oo aan Barnaamijka Ganacsiga soo saarihii bilaabay,waxan kaloo kasoo shaqeeyay Idaacado kale oo ay kamid tahey Sahan Radio,joornaal London kasoo bixi jiray iyo meelo kalo oo aanan halkan kusoo koobi Karin”Ayuu yidhi.
Waxa kale oo kahadley Idaacada uu hada hindisaheeda gacanta ku hayo iyo halka ay umareyso iyo waliba qorshaha uga meel yaala Xukuumada oo aan ogolayn in Idaacad Maadxbanaan dalka laga hirgaliyo isagoo arintaa kahadlaya wuxu yidhi “In Idaacado Madaxbanaan laga hirgaliyo dalka waxa ogol Dastuurka oo jideeyay dabcan wey jiri kartaa in Xukuumadu ay markii hore soo jeedisay in aaney ogolayn arintaasi laakiin taasi munaasib ma,aha waayo Puntland oo intay leegtahey aynu wada ognahey ugu yaraan 18 Idaacadood ayaa kahowlgala maantana waxa muuqda Somaliland baahida xooga leh ee dadka danayarta ahi uqabaan in loo furo Idaacad Dhexdhexaad ah oo madaxbanaan,oo udhaxeysa Xisbiyada Dadweynahana u adeegta aniga ayaa iskay u abaabulay hantideydana waan ku maalgalinayaa Xukuumada lafteeda waan kala xaajooday wadahadalna wuu noo socdaa arimaheeduna meel fiican ayey marayaan waxanan rajeynayaa in ay sida ugu dhakhsaha badan inshaalah uhowl gasho”Ayuu yidhi.
“Waxa muuqata in Suxufiyiinta Somaliland ay aad ukala culus tahey howsha ay hayaan dhibta ay kala kulmaan iyo anfaca ay ku qabaan sidaa daraadeed way adkeysi badan yihiin door adagna wey ku leeyihiin baahinta iyo kor uqaadista magaca Somaliland, waanan canbaareynayaa xadhiga la xidhay iyo qorshaha xiligan eek u aadan Telifishanka Horn Caple TV ,waxanan iyaga ku boorinyaa in ay adkeysi samir iyo dulqaad yeeshaan dhexdhexaadna kanoqdaan arimaha Doorashooyinka iyo guud ahaanba xaalada dalka”Ayuu yidhi Mr Maxamed Yaasiin oo ah Suxufi khibrad iyo waaya aragnimo Badan leh.