Waraysi aanu la yeelanay agaasimaha Ururka Moonlight
BOORAMA(SNN)Waxaa noo suura gashay in aanu waraysi dhinacyo badan taabanaya aanu la yeelanao agaasimaha fulinta ururka gabdhaha ee Moonlight ee magalada Boorama Jawhara Maxamed Tubeec, waxaanay ka warantay sababaha keenay in la asaaso ururkan, waxqabadkiisa iyo dadka ay wax u qabtaanoo u badan caruurta gabdhaha iyo dadka kale ee tamarta yar kuwaas oo ay ka caawiyaan dhinacyada waxbarshada iyo kor u qaadita wax hogaamintooda.