Waraysi aanu la yeelanay Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Mud:C/raxmaan C/llaahi Saylici.
Hargeysa(SNN)Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Kulmiye C/raxmaan C/llaahi Saylici ayaa sheegay in beelaha ku dhaqan gobolka Awdal ay ku qanceen inay taageeraan sidii isbedel siyaasadeed dalka uga dhici lahaa.
Mud C/raxmaan Saylici isagoo intaa kudaray in madaxweyne Daahir Rayaale iyo xisbigiisa Udub wax kalsooniya aanay ka haysanin bulshada ku dhaqan gobolka Awdal iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland, oo uu tilmaamay in bulshadii hore u taageertay ay kalsooonidoodii wakhtigan xaadirka ah kala soo noqnayaan,
isagoo dhinaca kalena wasiirka warfaafinta Axmed X Daahirna ku tilmaamay mid xilkii wasiirnimo ku guuldaraystay, islamarkaana aan beeshiisa dhex tagi Karin, kuna duray in idaacadii cusbayd ee uu hore ummada ugu sheegay in dalka ay wada gaadhi doonto aan la haynin meel ay ku dambaysay kuna tilmaamay eedo uu dhawaan ujeediyey labadooda musharax ee jagada madaxweyne ku xigeenka Kulmiye iyo Ucid ay ahaayeen kuwo loo soo laqimay, sheegayna inaanay isaga wax tartan ahi ka dhaxayn, balse uu ka dhexeeyo loolanka tartanka doorashada madaxtooyadu isaga iyo madaxweyne Rayaale.
Md C/raxmaan Saylici waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi Koob oo uu Maanta Siyay RADIO SALAL,oo uu kaga hadlay arrimo doora oo ku saabsan socdaalo uu kaga soo laabtay todobaadkan magaalada Boorame iyo shirar uu la soo yeeshay waxgaradka iyo guud ahaanba bulshada ku dhaqan gobolka Awdal, waraysiga oo Dhamaystiran halkan ka dhagayso.
S. Muxuu ku saabsanaa shirarka aad todobaadadan u danbeeyay ku qabanaysay Boorame oo la sheegay in olole aad ka dhex waday beelaha reer Awdal?
J. Runtii shirarka aan la yeelanayay beelaha reer Awdal waxaan ku qancinayay sidii ay beelaha reer Awdal u taageeri lahaayeen sidii isbedel maamul dalka uga hirgeli lahaa codkoodana u siin lahaayeen xisbiga Kulmiye, nasiib wanaagna beelaha Awdal way ku qanceen in xisbiga Kulmiye ay taageeradooda siiyaan.
S. Aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta reer Awdal waxa lagu tilmaamaa in madaxweyne Rayaale gar iyo gardaraba ay ku difaacaan qalad kasta oo uu ku talaabsadana ay ku difaacaan, iyadoo madaxweynihii hore ee marxuum Cigaalna a inta badan dhaliilo ujeedin jireen syaasiyiinta iyo aqoonyahanada beeshiisu arrinkaasi maxaad ka leedahay?
J. waa nasiib daro ku dhacday aqoonyahanada reer Awdal haddii aqoontoodii dhaafi weyday in madaxweyne Rayaale ay reernimo ku taageeraan, ninku xigaba alle ayaa kaa xiga waxaanse odhan lahaa aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta reer Awdal waa inaad ogaataan inaanu Rayaale waligii madaxweyne ahaanayn waxkastana taariikhi ka hadho waxaanan uga digayaa inaanay xaq daro ku taageerin.