Guddoomiyaha Ololaha Doorashooyinka Gobollada Galbeed ee KULMIYE oo Salalnews Waraysi Dhinacyo kala Duwan Taabanay la Yeelatay
Hargeysa(SNN)Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa been cad oo shacabka lagu marin habaabinayo ku tilmaamay hadalo ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB oo ay ku sheegeen in khilaaf Golaha Guurtida dabada ay ka wadaan xisbiyada mucaaradku, si ay uga warwareegaan doorashada.
Guddoomiyaha Ololaha Doorashada ee gobollada galbeedka Somaliland u qaabilsan xisbiga KULMIYE Md. Baashe Cabdi Gaboobe ayaa waraysi khaas ah oo uu siiyey shabakada wararka ee SALALNEWS.COM waxa uu sheegay in xukuumaddu weligeedba caado u lahayd in marka doorashadu soo dhawaato ay dhaqdhaqaajin ka bilowda Guurtida si xilka ay ugu kordhiyaan, sidaa daraadeedna khilaafkani qayb ka yahay qorshe ay kula dagaalamayso qabsoomidda doorashada.
Waraysigaasi uu Md. Baashe siiyey Salalnews oo dhinacyo kala duwan taabanaya, waxa kale oo uu kaga hadlay hantida danta guud ee xukuumaddu iibisay sida Jasiiradaha Sacaadadiin iyo Ceebaad iyo weliba hadal dhawaan Badhasaabka Hargeysa ku sheegay in siyaasiyiinta reer Burco ay magaalada Hargeysa keeneen dhaqan aanay lahaan jirin, taas oo uu xaal ka bixiyey.