Hageysa(SNN)Ururka Waayo-arag oo ka kooban Ciyaartoygii caanka ahaa ee reer Somaliland waqtigii dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya iyo rag aqoon badan u leh ciyaaraha oo beryahanba ku hawlanaa sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen horumarinta kubadda cagta iyo dhallinyarada ciyaarta, ayaa xalay qabtay kulan dhallinyarada kubadda cagta ciyaartra lagu siiyey casharo ku saabsan barashada xirfadda kubadda, isla markaana guddoonsiiyey qalabka ciyaaraha.
Kulankaas oo ka dhacay xarunta Ururka Wadaniga ah ee SOCSA, waxa tababar socday muddo ilaa labada saacadood ah lagu siiyey kooxda kubadda cagta ee ku ciyaarta Shabakadda wararka ee Somalilandpress, kaas oo ku saabsanaa cashadarada aasaasiga ah ee barashada kubadda cagta ee saldhiga u ah ciyaartoygu inuu ku salaysnaado sida dhismaha jidhka ciyaartoyga, akhlaaqda ciyaartoyga, habka hafdo-baxa, hababka kala duwan ee khubadda loo ciyaaro, isku xidhnaanta kooxda iyo qaar kale oo badan.
Furitaankii Tababarkaas waxa hadal ka jeediyey Guddoomiyaha Ururka Waayo-arag Axmed Muxumed (Axmed-sawaaxili), waxannu sheegay in sababta ururkooda oo ka kooban raggii hore u ciyaari jiray ay tahay caawimada dhallinyarada iyo wax la qabashooda intii karaankooda ah.
"Tababarkan waxaannu u samaynay habkan aad iminka kubadda cagta u ciyaartaan iyo dariiqadan la idinmariyey ee inta kubad la idin dhexdhigay la idin yidhi is eryada maaha tababar iyo ciyaar toona, markaa waxaannu rabnaa in aannu dariiqaa idinka duno oo aannu idin tusno habka aasaasiga ah ee kubadda loo ciyaaro," ayuu yidhi Axmed-sawaaxili.
Mr. Axmed-sawaaxili waxa uu dhallinyaradaasi kula dardaarmay inay ka faa'iidaystaan casharadaasi oo ay ku dhaqmaan si mustaqbalkooda ciyaarteed u noqdo mid horumara, kana fogaadaan wax kasta oo dhibaataynaya sida akhlaaq-xumada iyo dhaqanada ka soo horjeeda wadajirka bulshada iyo horumarkeeda.
Xoghaha Ururkaasi Mr. Mustafe Cabdi Cilmi oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ururka Waayo-arag uu si mutadawacnimo ah isugu xilsaaray wax la qabashada dhallinyarada iyo horumarinta ciyaaraha kubadda cagta somaliland.
"Haddii aynaan innagu wax qabsan oo aynaan isku xidhnaan waxba inoo hirgelimaayaan, haddiise aynu is gargaarno oo danaheena ka wadatashano wax badan ayeynu qabsan karaynaa," ayuu yidhi Mr. Mustafe Qalbi.
Waxa kale oo kulankaasi ka hadlay Muxumed Yogol oo ka mid ah odayaasha ururka Waayo-arag, Mr. Najiib iyo Mr. Rooble oo ka mid ah masuuliyiinta shabakadda Somalilandpress waxaanay dhallinayrada kula dardaarmeen inay ka faa'iidaystaan casharada la baray, isla markaana waxay u mahadceliyeen ururka Waayo-arag.