Hargeysa (SNN)- Kulamo bulshada rayidka Somaliland kaga tashanayaan mashruuca dib-u-dhiska iyo horumarinta (RDP) ee dalalka deeqbixiyaashu Somaliland ugu talogaleen oo qiimayntiisa la bilaabay sannadkii 2007-da, balse hadda mar kale dib loo eegayo.
Dalladda ay ku midoobeen midaysa ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland (SONSAF), ayaa magaalada ka Hargeysa ka bilaabay kulamo bulshada rayidku kaga arrinsanayaan mashruuc lacag badani ku baxayso oo dalalka Midowga Yurub, Baanka Adduunka iyo Qaramada Midoobay doonayaan in dib-u-dhis iyo horumarin lagaga sameeyo Somaliland.
Kulamadan oo hordhac u ah wefti ka socda dalalka ah dee1-bixiyayaasha oo dabayaaqada bishan dalka u imanaya siday Somaliland isula meeldhigi lahaayeen mashruuca ay doonayaan inay siiyaan, waxa uu ka kooban yahay laba jewi, kuwaas oo wejigii hore oo ay ka qaybgaleen jilayaasha ama ururrada aan dawliga ahayn oo ka socday huteelka Hadhwanaag muddo laba maalmood ah la soo gebogabeeyey, halka ka kale oo ay isna ka qaybgalayaan qaybaha bulshadu toddobaadkan bilaabmi doono.
Guddoomiyaha SONSAF Marwo Aamina Faarax Caarshe oo gebogabadii kulankaasi hadal ka jeedisay, ayaa sheegtay in laba ujeedo ay ka leeyihiin qabashada kulamadaasi, kuwaas oo kala ah xogwaran ay ka siinayaan xubnaha jilayaasha aan dawliga ahayn safar dhawaan Guddiga SONSAF ku tageen dalka Kenya oo ay kula soo kulmeen dalalka deeqbixiyayaasha iyo ta labaad oo ah sidii talooyin midaysan ay uga yeelan lahaayeen mashruuca RDP ee lagu caawinayo Somaliland.
“Waddamada deeqbixiyayaashu waxay ugu talogaleen Somaliland mashruuc lacag ah oo dib-u-dhis iyo horumarin loogu samaynayo, sidaa daraadeed, waxaanu xubnaha SONSAF siinaynaa xog-waran la xidhiidha barmaamujkaas inay ogaadaan waxa uu yahay barmaamujkani iyo kaalinta jilayaasha aan dawliga ahayn ku leeyihiin dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, waayo waxaannu arrintaas uga dan leenahay deeqbixiyayaasha waxa horfadhiisanaya jilayaasha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn,” ayey tidhi Marwo Aamina Faarax.
Waxa kale oo Guddoomiyuhu sheegtay in dabayaaqada bishan dalka iman doonaan wefti ka socda dalalka lacagta ku bixinaya mashruuca RDP ee Somaliland oo u imanaya si looga tashado wixii ka qabsoomay qiimayn lagu sameeyey sannadkii 2007-dii, isla markaana lagaga wadahadalo waxyaabaha dalka ku soo kordhay ee waqtigaasi ka dambeeyey sidii loogu dari lahaa.
“Barbaamujkan la yidhaahdo dib-u-dhiska iyo horumarinta Somaliland (RDP) ee deeqbixiyayaasha, waxa Somaliland ugu dambaysay inay wax ku darsato sannadkii 2007-dii, deeqbixiyayaashii waxay imanayaan bishan aynu ku jirno ee February. Waxa la isla eegi doonaa ilaa 2007 wixii isbeddel Somaliland ka dhacay,
waxa laga yaabaa inay jiraan waxyaabo waqtigaasi aan dalka ka jirin sida kooxaha Al-shabab, budhcad-badeedda ama sicir-bararkan cuntadii ku dhacay. Markaa waxa la doonayaa in wixii aynu u baahanahay sida haddii beeraha la innaga caawiyo si looga baxo cunto yaraanta, haddii xoolaha la inoo horumarinayo amma sidii loola soo bixi lahaa khayraadka badda ama in la innaga caawiyo dhinaca amniga,” ayey tidhi Guddoomiye Aamina Faarax.

Prof. Xasan Maxamed Jaama (Xasan Xiis) oo ka tirsan Guddiga SONSAF oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in mashruucan la doonayo in dib-u-dhis iyo horumar lagaga sameeyo Somaliland uu ku salaysan yahay saddex qodob oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah buu yidhi; “In dadka la maalgeliyo oo wax la taro si iyagu wax isku taraan, in la sameeyo jewi lagu yarayn karo saboolnimada iyo in la sii horumariyo nabadda iyo xasilloonida. Barmaamujkan oo sidoo kale ka socda Puntland iyo Soomaaliya,
saddexdan qodob qolo kasta mid gaar ah ayaa ugu muhiimsan, innaga [Somaliland] waxa innoogu muhiimsan qodobka ugu horreeya ee ah in dadka la maalgeliyo.”
Prof. Xasan Xiis waxa uu tilmaan ka bixiyey qaabka loo fulinayo maalgelintaasi, “Waxa loo maalgelinayaa in aqoontii sare loo qaado, in wax-soo-saarka la kordhiyo, in ganacsigooda aasaas adag loo sameeyo, in kaabayaasha dhaqaalaha la horumariyo, waxyaabahaas ayaa kaalinta kowaad innoogu jira,
kaalinta labaadna waxa innoogu jira in la helo qorshe amma jewi lagu yarayn karo saboolnimada, sida in beeraha iyo wax-soo-saarka la kordhiyo, in kalluumaysiga la kordhiyo, in baayac-mushtarka la kordhiyo, in la sameeyo dugsiyo xirfadaha lagu barto, qodabka saddexaadna waxa mar walba inoo ah oo aan ka ahmiyad yarayn kuwaa hore oo aynu nabadda ku sii adkaynayno.


Saddexdaad qodob ayaa la doonayaa inay natiijo cad ka soo baxdo oo deeqbixiyayaashu yidhaahdaa, taas ayaanu lacagtaas ku bixinaynaa. Mashruucan lacagayow fara badan oo malaayiin ah ayaa ku qoran, laakiin lacagtaas ma maali karnaa? Ma la soo hadhi karnaa oo reer Somaliland ma u keeni karnaa?
Kulamadani waxa weeye in la inaga helo in aynu danaynayno ama ay innaga go’an tahay sidii aynu wax u qabsan lahayn,” ayuu yidhi Xasan Xiis.
Ali Jamac
Salalnews Hargaysa |