Home Opinion-Fikrado Somali Music Forum Contact Us September 09 2010 06:07:25
Navigation
Home
Photo Galery
Salal Videos
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
Random media






Hees Cusub oo Loogu Talagalay Geb Secondary School Codkii Fanaanka Weyn Saliim Saciid Saliim
Wareysi Aanu La Yeelanay Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cali Xaamud Jibriil
Wareysi Khaas ah oo aanu la yeelanay Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Awdal Md:Maxamed Dahir Cabdalla. .
Wareysi aanu La yeelanay Afhayeenka Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal Axmed Muxumad Dacar.
Wareysi aanu La yeelanay Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal Amaal Xaaji Axmed Miisaan
Taariikh Nololedki Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo)
Waraysi Aanu La Yeelanay Xog-hayaha Arrimaha dibada ee Kulmiye oo ka Waramay guusha Doorashada Somaliland.
Weriye Bashkas Jug soo dhacay Oo ka Waramay Doorashada Somaliland
Wareysi Khaas ah oo aanu la yeelanayAbwaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Maxamuud C/laahi Ciise(Sangub)Qaybtii 1 & 2.

Waraysi Aanu La Yeelanay Maamulaha Guud Ee Shirkad Xayeysiiska Casriga ah Samaysa oo Somaliland Baahiyo Badan kaga Baxday
Hargeysa(SNN)Shirkadda ASAL oo ah shirkad samaysay xayeysiiska,
ayaa noqotay mid ka mid ah shirkadaha waxqabadkooda sida weyn loogu
diirsaday ee ka hirgalay somaliland.

Shirkaddan oo ay hirgeliyeen dhallinaro reer Somaliland ah oo
qurba-joog, waxay samaysaa xayeysiisyada kala duwan iyo wax kasta oo u
baahan in la naadiyo, iyadoo beryahan dambe jidadka magaalooyinka
waaweyn ee Somaliland si weyn uga muuqdaan boodhadh ama tabbeelooyin
waaweyn oo ah kuwa xayeysiiska oo farshaxan qurux badan ku xardhan.

Haddaba, shabakadda wararka ee Salalnews ayaa si ay wax uga ogaato
shirkadan, qaabka ay u shaqayso, adeegyada ay qabato iyo arrimo badan
oo ku saabsan shirkadan ASAL, waxaannu waraysi kala yeelanay maamulaha
guud ee shirkadaasi Mr. Mukhtaar Daahir Muuse.

“Shirkaddan waxaanu bilawnay bishii 1-aad ee sannadkan 2009-ka,
Illaahay mahaddii waxaanu ku guulaysanay oo aanu markii ugu horeysay
bilawnay inaanu samayno Xayaysiisyo Shirkadda ah, Annaga oo meelo
badan oo Hargeysa ah ka taagnay Boodhadhka oo aan magaalada hore sidan
oo kale loogaga isticmaali jirin, taasoo badiba qaybaha bulshadad,
gaar ahaan cid kasta oo u baahan inay wax xayaysiisato soo jiitay.”

Maamulaha ASAL oo la waydiiyay Noocyada Boodhadhka ay sameeyaan oo
cidda u baahini hore Dubai uga doonan jireen iyo kan ay Shirkaddoodu
samayso, kharash ahaan iyo tayo ahaan waxyaabaha ay ku kala duwan
yihiin ee la odhan karo way soo kordhisay ASAL, waxa uu ku jawaabay
Mustafe oo uu yidhi, “Horta qiime ahaan inta Dubai laga siiyo ayaanu
ka siinnaa Boodhka, laakiin waxaanu dalkeena ku soo kordhinay waxyaabo
badan, waxa ka mid ah Boodhadhkan oo ay Dubai Shiraduhu u doonan
jireen inaanu dalka gudihiisa ugu keenno, Ganacsatada dalkeenu waxay
ka raysteen kharashkii diyaaradda ay siin jireen marka ay Imaaaraadka
ka soo qaaddo Boodhka, wakhtiga oo aanu u fududaynay, oo matalan qofka
Hargeysa jooga ee Berri u baahan in uu Boodh helo ama wax kale oo loo
daabacayo way adag tahay wakhtiga uu u baahan yahay in uu Dubai ka
helo, laakiin Annagu saacado kooban ayaanu ugu samaynaynnaa .

Mukhtaar Daahir Muuse waxa uu sheegay inay Shirkad ahaan dhinaca
bilicda Magaalooyinka dalka qayb muhiim ah ka qaateen, gaar ahaan
Caasimadda Hargeysa oo hadda si fiican looga isticmaalo Boodhadhka ay
sameeyaan. Isla markaana wakhtigii ay bilaabeen hawshan iyo imika
faraq weyni u dhexeeyo dhinaca aragtida bulshada.

Mukhtaar Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu
yidhi, “Wax xayaysiis ku saabsan oo dhan ayaanu samaynaa wakhtigan,
hadday tahay Video, Boodhadh, Dharka oo qofku magaca uu doonayo loogu
qorayayo, Dhisaynada noocyadooda kala duwan oo ay ka mid yihiin
Web-desing-ka iyo noocyo badan oo kale, ASAL waxay diyaar u tahay inay
soo dhawayso oo danaynaya waxyaabahan aanu samayno.” Maamulaha ASAL,
oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay sida ay dadka reer Somaliland u
fahmeen am aula qabsadeen isticmaala waxyaabaha ay Shirkad ahaan
sameeyaan, waxa uu yidhi, “Waxa la moodaa inay dadku hadda fahmeen in
xayaysiisku yahay qayb ka mid ah nolosha iyo horumarinta ganacsiga, si
fiican ayaana loola soo qabsanayaa xiliba xiliga ka dambeeya, waxaanan
rajaynayaa in guud ahaan bulshadu wada fahmi doonto. Wakhtigii aanu
bilawnay iyo heerka ay maanta Shirkaddu marayso marka laysu eego meel
aad u fiican ayaanu maraynaa, horumar fiicanna waanu gaadhnay.
Maamule Mukhtaar Daahir Muuse oo la waydiiyay tirada shaqaalaha ka
hawlgasha Shiraddooda, waxa uu yidhi, “Waxa ka shaqeeya Shirkaddan
ASAL ilaa 11 Shaqaale ah, waxaana Shirkadda Mulkiyaddeeda iska leh
Aniga iyo Wiil kale, labadayadubana waxaanu ahayn Qurba-joog oo
waxaanu ka soo guurnay dalka Ingiriiska. Waxaananu rajaynaynaa inay
mustaqbalka shaqaale aad u badani ka hawlgali doonaan.

Muuqaalada Boodhadh Casri ah oo Bilic leh ayaa dhawaanahanba ku soo
badanayay Caasimadda Hargeysa iyo Guud ahaan Somaliland, kuwaas oo
laga qotomiyo dhinacyada Jidadka, ha u sii-badnaato waddada Wadnaha ah
ee Magaalada, ayaa lagu xardhaa Magacyada Shirkadaha kala duwan ee
Ganacsiga, waxyaabaha ay qabtaan, Hay’adaha wadaniga ah iyo Caalamiga
ahba.

Waraysigaasi oo dhinacyo badan taabanayana ka dhegayso halkan:


Shiine Cilmi
Salalnews Hargaya

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Waraysi Khaasa : Ciyaartooy Xasan Waraabe Cade oo ka soo jeeda Somaliland oo ka mid ahaa Ciyaartooyadii Hore ee Soomaaliya.
Waraysi aanu la yeelanay Gudoomiyaha Ururkan horumarita wadooyinka Awdal/Salal (ASARDA), Pro:Xasan Cali Cismaan
Openion / Fikrada
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ... 
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
NOOLAATAY YIDIDIILADII NAXASHKA SAARRAYDE
Wasiirkii Hore ee Kalluumaysigu Ma Yaqaanaa Dr. Maxamed-Rashid?
Warqadda Wasiirka Afrika ee Ingiriiska, Henry Bellingham u soo diray Fay...
Codeeyoow Raqdaada lama fogeeyo
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Baroortu Orgiga ka wayn:Arinta Saado Loo Haystaa Maha Madaxweyne Rayaale...
Mabaadiida Qarsoon ee Mucaaridka Somaliland. Qaybtii 1aad.
Ma Laga Yaabaa Haduu Ku Guulaysto Doorashada Danbe Madaxwayne Rayaale...
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s philisti...
Random Photo
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
active ingredient in ambien