Munaasibad Lagu Xusayey Maalinta haweenka Adduunka oo lagu Qabtay Fagaaraha Beerta Xorriyadda Hargeysa(Sawiro)
Hargeysa (SNN)- Maalinta haweenka aduunka oo ku beegan 8-da bisha March ee sannad walba, isla markaana laga xuso dhammaan dunida, ayaa laga xusay Somaliland.
Munaasibad ballaadhan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qoyska iyo horumarinta Bulshada oo lagu xusayey maalinta haweenka ayaa maanta lagu qabtay fagaaraha beerta Xorriyada ee magaalada Hargeysa, taas oo ay ka qaybgaleen haween fara badan, wasiiro, masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan, wakiilo ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala Somaliland iyo madaxda xisbiga UDUB.
Wasiirka Horumarinta Qoyska iyo Arimaha Bulshadda Marwo Faadumo Suudi oo xafladaasi ka hadashay, ayaa hambalyo u dirtay haween waynaha Somaliland maalinta 8 March awgeed.
Marwo Faadumo waxay ka warantay taariikhda maalintan xuska dumarka oo ay ku tilmaantay mid dumarku ku soo ceshadeen xuquuq muddo badan laga dafirayey, waxaanay dumarka kula dardaarantay inay isku xidhnaadaan oo ay meel uga soo wada jeedaan halganka ay ugu jiraan sidii ay kaalin buuxda uga qaadan lahaayeen talada dalka.
“Waxaan leeyahay ragow ballanqaadkiina ka dhabeeya oo waxaad dumarka u ballanqaadaan dumarka indhahooda tusa,” ayey tidhi Wasiirka Qoysku.
Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Cabdiraxmaan Xueen Cadami oo isna xafladaas ka hadlay, ayaa sheegay in dumarku kaalin muhiim ah kaga jiraan bulshada, balse nasiib-darro ballanqaadayada ay u fuliyaan madaxda xukuumadda iyo axsaabta mucaaradku waxba ka fulin.
“Munaasibaddan kuwii ka horreeyey madaxda xukuumadda, axsaabta mucaaradka, aqoonyahanka iyo hay’aduhu waxay ballanqaadeen in xuquuqda dumarka wax badan ka aMadaxda dalka xukumada iyo xisbiyaba waxay ku balan qaadeen inay dumarka wax badan la qabanayaan, laakiin balanqaadkaasi waxba kama fulaan taasina waxay caddaynaysaa sida ayanaan diyaar ugu ahayn inay dumarku inagala qaybqaataan doorkooda dalka,” ayuu yidhi Mr. Caddami.
Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in waddamada dumarku ku badan yihiin talada ay ka horumar wanaagsan yihiin kuwa kale, sidaa daraadeedna waxa uu ku baaqay in door muuqda dumarka laga siiyo talada dalka.
Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax oo isna halkaas ka hadlay, ayaa ka waramay heerarkii kala duwanaa ee dunida ay soo mareen haweenku iyo siday ugu soo halgameen xuquuqdooda, isagoo tilmaamay in dumarka oo xaqa ay leeyihiin la siiyaa aanay diinta ka soo horjeedin.
“Ragow dumarku xuquuqda ay leeyihin waa mid aad la wadaagaysaan oo aad isa siinaysaan ee ha loo oggolaado xaqooda,” ayuu yidhi Mr. Jaamac Yaasiin.
Waxa kale oo munaasibadaasi ka hadlay Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Md. Maxamuud Siciid, Agaasimaha Wasaaradda Qoyska Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Maal, Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal Insaanka Axmed Yuusuf, Marwo Shukri Xariir oo ku hadlaysay afka ururrada wadaniga ah iyo sarkaal ka tirsan hay’adda UNICEF oo ku hadlaysay afka hay’adaha caalamiga ah, waxaanay dhammaantood hambalyo u direen haweenka Somaliland.