Home Opinion-Fikrado Somali Music Forum Contact Us September 09 2010 05:46:43
Navigation
Home
Photo Galery
Salal Videos
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
Random media






Hees Cusub oo Loogu Talagalay Geb Secondary School Codkii Fanaanka Weyn Saliim Saciid Saliim
Wareysi Aanu La Yeelanay Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cali Xaamud Jibriil
Wareysi Khaas ah oo aanu la yeelanay Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Awdal Md:Maxamed Dahir Cabdalla. .
Wareysi aanu La yeelanay Afhayeenka Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal Axmed Muxumad Dacar.
Wareysi aanu La yeelanay Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal Amaal Xaaji Axmed Miisaan
Taariikh Nololedki Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo)
Waraysi Aanu La Yeelanay Xog-hayaha Arrimaha dibada ee Kulmiye oo ka Waramay guusha Doorashada Somaliland.
Weriye Bashkas Jug soo dhacay Oo ka Waramay Doorashada Somaliland
Wareysi Khaas ah oo aanu la yeelanayAbwaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Maxamuud C/laahi Ciise(Sangub)Qaybtii 1 & 2.

Guddiga Doorashada oo Shaaciyey Shirkadda ku Guulaysatay Samaynta Kaadhadhka Cusub ee Doorashada, Faahfaahina ka Bixiyey Hawshooda(Sawiro)
Hargeysa (SNN)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa shaaca ka qaaday shirkadda cusub ee u soo samayn doonta kaadhadhka cusub ee ay dhawaan ku dhawaaqeen in lagu gali doono doorashada, kuwaas oo lagu beddeli doono kuwii kaadhadhkii lagu siiyey waqtigii diiwaangelinta.

Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Md. Maxamed Axmed Xirsi Geelle oo maanta shir jaraa’id qabtay, ayaa sheegay in shirkad laga leeyahay dalka Koonfur Afrika oo magaceeda la yidhaa FACE TECHNOLOGY ay ku guulaystay qandaraas ay ku bixiyeen samaynta kaadhadh cusub ee lagu beddelayo kuwii hore dadka loo siiyey.

Af-hayeenku waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey hawlaha ilaa hadda u qabsoomay, dhismaha guddiyada komishanka ee gobollada iyo degmooyinka oo ay dhammeeyeen, shaqada mashiinka Serfarka eek ala shaandhaynaya diiwaangelintii dadweynaha iyo khaladaad ka soo baxay oo uu halkaasi ku soo bandhigay.

“Waxa dadweynuhu maqleen in la bixinayo kaadhadh cusub oo lagu codayn doono, waa xaqiiqo jirta oo hore ugamaanaan waramin, sababta aanaan uga waramin waxay ahayd Xeerka inoo yaala ayaa waxa uu dhigayaa Komishanka ayaa beddeli kara Kaadhka oo nooc cusub soo saari kara oo uu xeerku u jidaynayaa isagoo kala tashanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Xisbiyada Qaranka, kadib intaanaan dadweynaha u soo bandhigin waxay ahayd iyaga in aanu la tashano, wadatashigii aanu la yeelanay Xisbiyada ee runtii warku ka soo baxay oo dadweynaha gaadhay iyagaa Jaraa’idka u waramay, laakiin wax tafaasiil ah oo kale aan ka sii bixin, isla markaa waxaanu sugaynay Miisaaniyadii iyo kharashkii lagu soo daabacayay.

Marka la sifeeyo Liiskii hore ee Diiwaangelinta ee inaga xumaaday ee khaladaadka badani ay galeen ee wixii ku celcelin ah laga saaro inta inoo soo hadhay ee saafiga ah ayaa la siin doonaa kaadhadh cusub, dadweynahana aanu u soo bandhigi doonaa, goobihii hore ee ee la iska diiwaangelaiyay aanu gayn doonaa liiskii cusbaa iyo kaadhadhkii cusbaa, dabadeedna dadku halkaasi ayey iman doonaan sidii markii horeba ay u yimaadeen ee ay isku diiwaangeliyeen halkaasi ayuu qof waliba ka qaadan doonaa kaadhkiisa cusub, labadii hore ee la siiyayna laga xarayn doonaa wixii tafaasiil ah ee halkaasi ka iman doona iyo qofkii iska waaya arrimaha noocaas ah olole ballaadhan oo wacyigelin ah oo aanu qaadi doono ayaa lagu tafaasiilayn doonaa,” ayuu yidhi Afhayeenka Komishanka Md. Geelle, waxaannu intaa ku daray, “Waxase aan dadweynaha u sheegayaa sababta aynu u sammaynay waxa weeye khaladkii hore ee inaga galay Diiwaangelintii hore, kala sifayntii wakhtiga inagu qaadatay ee aanu wadnay dhinac kasta markaanu ka eegnay si loo helo Doorasho xalaal ah oo ay uga soo baxdo natiijo xalaal ah waxa daruuri noqotay in la beddelo kaadhadhkii hore kuwa cusubna la sammeeyo oo kuwii hore ka adag oo aan la foojari garayn karayn, taasina waa la isla qaatay, Wasaaradda Daakhilga waanu isla qaadanay xitaa qaabkii waa la sammeeyay, axsaabtuna way nagu waafaqeen, nimankii qaadhaan bixiyayaasha ahaa ee lacagta bixinayayna way waafaqeen inay galiyaan lacagtii, qandaraaskiina waan bixinay dhawr Kambani ayaa u soo tartamay dabadeedna kii ugu fiicnaa ee ugu dhakhsaha badnaa ee ugu amaansanaa ayaanu qaadanay dhowr shirkadood oo Somalilander ah ayaa ku jiray.”


Md. Maxamed Xirsi waxa uu sheegay in samaynta kaadhadhkan cusub ay ku bixiyeen qandaraas caalami ah oo ay ka qaybgaleen shirkado reer Somaliland ah iyo qaar caalami ahiba, isla markaana ay qaateen shirkadii ugu habboonayd.
“Duruufaha aynu joogno markaanu eegnay waxay noqotay kuwii wadaniga ahaa in lagaga wanaagsanaaday shuruudihii markaas aanu doonaynay tiiyoo aan macnaheedu ahayn waxa la qadiyay dad wadani ah waxaanay arrintu anaga noola muuqatay sida hawshaasi annaga noogu suurtagalayso in cidda ugu fiican ee inoo sammayn karaysa amingeeda iyo nidaamkeedu fiican yahay ayuu hamigeenu ahaa, nin wadani ahi wax ha helo ama yaanu wax waayin midna may ahayn, kii ugu habboonaa ayaanu qaadanay, waxaannuna qaadanay shirkad laga leeyahay Koonfur Afrika oo la yidhaa FACE TECHNOLOGY,” ayuu yidhi Md. Geelle.

Af-hayeenka Komishanku mar uu ka waramayey shaqadooda iyo halka ay marayso hawsha Serfarku waxa uu tilmaamay in muddadii hore ay seeska dhigayeen, balse iminka uun ay bilaabeen shaqadooda.

“Iminka uun baanu talaabadii u horaysay qaadaynaa, Server-ka hawshiisii waa lagalay, laba nooc ayuu noqonayaa midi waa ka isagu iskii isku sifaynaya ee Duplicate-ka ah iyo dadkii ku celceliyay soo saarayo midna waxa weeye qaladaad kale oo aanu mishiinku soo saari Karin illeyn mishiinku caqli ma lahee taasna in loola tago gacan aadami oo ay ishu eegto, waxa jira ilaa dhowr iyo sagaashan kun oo cod bixiye oo server-kii hore akhriyi kariwaayay oo xisbiyadu mar isku raaceen in meesha laga saaro, haddana waxay noqotay tiro aad u faro badan oo aan laga tagi Karin, taasi waxay kaliftay in aanu u sammayno Tiimam faro badan ama dad aqoon u leh IT-ga aanu galino.”

Af-hayeenku waxa uu soo bandhigay sawirada dad si khaldan loo diiwaangeliyey, kuwaas oo ay ku jiraan carruur yaryar, dad aan goobta joogin oo la sawiray baasabooradooda iyo sawiro caadi ah iyo qaar laba laba qof u galay.

“Si doorasho xor iyo xalaal ahi inoogu dhacdo waxay noqotay in la inoo maalgeliyo mar labaad bixinta kaadhadhkaasi cusub, markaas dhinaceenii ay timi oo intii kale soo dhammaynay adduunkii ina caawi, maal wixii uu ina siin lahaa ina sii, khubaro wixii uu ina siinayay in sii, waa la shaqaynayaa, doorkeenii ayaa yimid, taas dambe haddii aynu sidii tii hore u kharibnay u kharibno wax inoo hagaagayaa ma jiraan, haddaynu hagaajino way inoo hagaagaysaa, sidaasi darteed waxaan maanta dadka ka codsanayaa waxa imika la sammeeyay dad uun baa sammeeyay kuwa ku celceliyay inaga uun baa sammaynay guryaheena ayey joogaan waar qof kasta oo qaatay laba kaadha ama wax ka badan ee ku celcelisay waxaanu ka codsanaynaa inay iskood iskaga keenaan kaadhadhka dheeraadka ah ee ay is diiwaangeliyeen,” ayuu yidhi Af-hayeenka Komishanku doorashooyinku.













Ali Jamac
Salalnews Hargaysa
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Waraysi Khaasa : Ciyaartooy Xasan Waraabe Cade oo ka soo jeeda Somaliland oo ka mid ahaa Ciyaartooyadii Hore ee Soomaaliya.
Waraysi aanu la yeelanay Gudoomiyaha Ururkan horumarita wadooyinka Awdal/Salal (ASARDA), Pro:Xasan Cali Cismaan
Openion / Fikrada
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ... 
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
NOOLAATAY YIDIDIILADII NAXASHKA SAARRAYDE
Wasiirkii Hore ee Kalluumaysigu Ma Yaqaanaa Dr. Maxamed-Rashid?
Warqadda Wasiirka Afrika ee Ingiriiska, Henry Bellingham u soo diray Fay...
Codeeyoow Raqdaada lama fogeeyo
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Baroortu Orgiga ka wayn:Arinta Saado Loo Haystaa Maha Madaxweyne Rayaale...
Mabaadiida Qarsoon ee Mucaaridka Somaliland. Qaybtii 1aad.
Ma Laga Yaabaa Haduu Ku Guulaysto Doorashada Danbe Madaxwayne Rayaale...
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s philisti...
Random Photo
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
active ingredient in ambien