Navigation
Home
Photo Galery
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
The Kroax
Rayo Tv
Random Media





Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha da’da yar ee madasha akhriska ee maskaxmaal mudane “C/laahi Xuseen Caateeye”
Waraysi Aad U Xiiso Badan Oo Aanu Layelanay Abwaan Weyn Mowliid Aden Qol Qol Qaybtii Koowaad.
Wareysi Aan La Yeelanay maamulaha markiska Salaaxudiin Islaamic Center Sh.cumar Axmed Cumar.
Wareysi Aan La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Shaybaadhka Ee Jamacada Caamuud Dr:maxamed Da'ud.
Wareysi Aanu La Yeelanay Maamulaha Dugsiga Sare ee Ubaya Binu Kacab Mustafe Muxumed Alabari.
Wareysi Aani La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ee Jaamacada Camuud Prof: Yurub C/raxman Muumin.
DR. Ali Sheikh Ahmed Abubakar(Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho) oo aan la yeelanay waraysi khaas ah .Q1aad,

No News
,
Wareysi Aani La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ee Jaamacada Camuud Prof: Yurub C/raxman Muumin.
“Waxbarashada wadanka hala xoojiyo, aadna ha loo dadaalo Si ay hadhow kuu anfacdo…..” Yurub Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta

Waraysi aanu la yeelanay hormuudka kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta, Prof: Yurub C/raxman Muumin,oo ay kaga warantey waxqabadka kuliyada iyo guud ahaan Jaamacadaba.

Waxa ay ka warantey markii la aas-aasey Jaamacada Cammud oo ku began sanadkii 1998kii, waxaa kale oo ay sheegtey in jaamacada lagu bilaabey laba kuliyadood arday yar iyo sadex macalin wax aan ka badneyn waxaanu u dhacay waraysagii Prof: Yuru ay la yeelatey shabakada wararka ee salalnews sidan.

SNN:Yurub jamacadu imisa kuliyadood baa lagu bilaabay?

YURUB: Waxa lagu bilaabay kuliyada waxbarashada iyo kuliyada maamulka iyo ganacsiga .

SNN:Labada kuliyadood ee lagu bilaabay yaa ka caawiyey qalabka waxbarasho haday noqoto buugta wax lagu baranayo iyo wixii agab kale ahba?

Yurub: horta waxa jiray urur Maraykan ah oo layidhaahdo Book Aid,buugaagta Maktabada taala intooda badan waxa ugu deeqay hayadaaaan soo sheegeyoo buugaagtaas ku deeqey,waxase iayaguna meesha dheeraa oo u baahnaa in la bixiyo cashuurtii iyo noolkii lacagtii lagu keenayey taasina waxa ka caawiyey dadka gobolka Awdal u dhashay oo dibad iyo gudaba lahaa.

SNN:Kuliyada Ganacsigu imisa sano ayey jirtaa, imise ardeybaana ka baxay?

Yurub: kuliyada busniss-ku 1998 ilaa imika waa kuliyad shaqaysa ,
Waxa ka baxay 10 dufcadood oo dadkii ka baxay qaarkood ay Hay’ahada Caalamiga ah u shaqeeyaan kuwana dawlada aniga lafteeda oo maanta hormuudkeeda ahan iyada lafteeda ayaan ka baxay.




SNN:Prof yurub wax faahfaahina ma naga siin kartaa intii aad haysay jagada Hormuudka Kuliyadan,waxyaabihii aad ku soo kordhisay ?

Yurub- waxyaabihii aan qabanay intii aan meeshaa joogay waxa ka mid ahaa, markii hore waxay ahayd kuliyad lagu barto Bussinska iyo public administration oo ah maamuulka dawlada.
Laakiin hada waxaan ku soo kordhinay qeyb kale oo la yidhaa Economy oo dhaqaalaha lagu barto.

Waaxa kale oo aan ku soo kordhinay qeyb kale oo ah sida maareynta mashaariicda (project manegment) ,sida mashaaricda loo maamulo.

Waxyaabaha ardayda aan uu soo kordhinay waxa ka mid ah,ardaydu barigii hore marka ay qalin jabiyaan way ka tagi jireeen jaamacada, laakinse hada ardaygu wuxu baraktis gareeyaa wuxuu hore uu soo bartay.

Waxa kale oo aan kusoo kordhinay , ardaydu marka ay ku jirto sanadka 4aad bisha febourwary jaamacada oo dhani fasax bay gashaa laakiinse ardayda sanad 4aaad (senior bussins)fasax ma galaan oo waxa ay soo dabaqaan waxay barteen oo waxaay utagaaan hay’adaha dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay( private)-ka ah oo ay caawiyaan iyaga qabanayaa waxay fasalada kusoo barteen.

SNN:Intee ayaad ku qiyaasi kartaa ardayda wax ka barata kuliyadan?

Yurub:Waxaa lagu qiyaasa karaa 300 oo arday

SNN:Jaamacada ardaydu marka ay qalin jabiyaan ,kuwa ugu horaya ma lo diraa wax barasho dibadeed gaar ahaan kuliyadiina ?

Yurub:Haa way jiraan arday heshaa fursada waxbarashadeed, oo sidaad ka war haysaan aniga ka mid ahaa ardaya ugu horaysa fasal walba waxa lagu reeba jaamacada ,mudo labo sano ah marka ay ka shaqeeyaan ayaa ay jaamacadu u raadisaa aqoon dirsad (scholar ship) si ay waxbarasho intaa dheer ugu soo bartaan wadamad jaarka sida Yugaandha Kenya ama meelo kaleba,kadibna ay jaamacda ku soo noqdaan oo ay wax ka dhigaan .



SNN:Maxaa fariin ah oo aad dadwaynaha gaadhsiin lahayd iyo ardayda jaamacda wax ka barata qaybaheeda kale duwan?



Yurub:Waxaan odhan lahaa dadkeenu waxay intaa badan aad uraadiyaan inay kelaan waxbarasho dibadeed , marka degree-ga 1aad la dhiganayo, taas baan aad uga waanin lahaa oo waxa aan odhan lahaa marka degree-ga 1aad la dhiganayo waxa ugu khayr badan kaad ku barato wadan kaaga gudihiisa,wadan dibadeed dhibtiis ayuu leeyahay kolay dheefteedana wuu leeyahay,laakinse markaad tahay arday aan uu bislaan inu kaligii istaago aad bay uu dhibadantahay,waxbarashada wadanka ha loo xoojiyo aad ha loo dadaalo waxna ha la barto si ay hadhow ku anafacdo.


Waxaa Wareysatey
Muna Ali Abdi
Salalnews Booram
Comments
#1 | asicsning on March 23 2013 21:34:10
hooligans is not in the minority. gucci belts And with what you said rural children to college will affect the children in the city, mbt shoes uk will they bring bad? Do the children in the city everyone is lovely children?Vibram FiveFingers UK
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo
Proff.Axmed Ismaacil Samatar Jaaliyada Soomaaliyeed ee magalada Oslo kula kulmay Jaamacada Oslo..(Sawiro)
Openion / Fikrada
'Ninna dhuunibuu kuu dhex joogaa; Ninna dhaqashuu kuugu dhabar Jabay'
MUWAADIN/MUWAADINAD 1$ UGU TABARUC WADDADA BOORAME IYO HARGEYSA ADIGA I...
TOLNIMO WAA DUGSIYE YAAN LA ISU KEEN DIRIN
Bulshooy codkaagii ma kootiyo wareegto la eedo buu dhalay!
Congratulations to AMAAL Xaaji A. Miisaan
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ...
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s phil...
Message To Awdal People (Conference in Minesota) By: Dr Mohamed-Rashid
Taageerada Sangub ee KULMIYE waa haad geed waayey iyo riwaayadiisii .Xuu...
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.