Mucaaradka Syria ayaa sheegay inay bilaabeen weerar culus oo ay ku qabsanayaan saldhig ciidamada cirka ee waqooyiga wadanka si ay u xayiraan weerarka cirka ee ay dowladda qaado.
Video internetka ayaa muujinaya mucaaradlka oo ka dagaalamaya Taftanaz, Koonfur- Galbeed magaalada Aleppo iyagoo adeegsanaya madaafiic iyo hoobiyayaal. Waxaa jira warar sheegaya in mucaaradka ay qabsadeen jid wayn oo muhiim ah.
Wariyaha BBC ayaa sheegaya, haddii mucaaradka ay qabsadaan saldhiga milatariga ee diyaaradaha inay balaarinayso awooda ay ku leeyihiin inta u dhaxaysa labada magaalo ee Aleppo iyo Dimishiq.