Navigation
Home
Photo Galery
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
The Kroax
Rayo Tv
Random Media





Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha da’da yar ee madasha akhriska ee maskaxmaal mudane “C/laahi Xuseen Caateeye”
Waraysi Aad U Xiiso Badan Oo Aanu Layelanay Abwaan Weyn Mowliid Aden Qol Qol Qaybtii Koowaad.
Wareysi Aan La Yeelanay maamulaha markiska Salaaxudiin Islaamic Center Sh.cumar Axmed Cumar.
Wareysi Aan La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Shaybaadhka Ee Jamacada Caamuud Dr:maxamed Da'ud.
Wareysi Aanu La Yeelanay Maamulaha Dugsiga Sare ee Ubaya Binu Kacab Mustafe Muxumed Alabari.
Wareysi Aani La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ee Jaamacada Camuud Prof: Yurub C/raxman Muumin.
DR. Ali Sheikh Ahmed Abubakar(Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho) oo aan la yeelanay waraysi khaas ah .Q1aad,

No News
,
Guddiga Diiwaangelinta oo Sharraxay Sifaha ay u kala Guulaysanayaan Murrashaxiinta Golayaasha Degaanka
Hargeysa (SNN)- Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta qaranka, ayaa sharraxaad ka bixiyey sifaha ay u kala guulaysanayaan murrashaxiinta golayaasha degaannada dalka ee ka kala tartamaya toddobada urur/xixbi siyaasadeed ee ka qaybgalaya doorashada Arbacada toddobaadkan Somaliland ka qabsoomi doonta.

Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta ururrada iyo ansixinta axsaabta Mr. Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaalle) oo warbaahinta kula hadlay shir ay la yeesheen qaar ka mid ah salaadiinta magaalada Hargeysa oo ay ku fahamsiinayeen qodobka loo cuskanayo kala reebista ururrada doorashada ee ku jira Xeer Lr:14, waxa uu shaaciyey in aan tartanku ahayn mid u dhexeeya shakhsiyaad, laakiin codadka dadweynuhu siiyaan murrashaxiinta ay iska leeyihiin ururrada ama axsaabta oo qaab saami ah ku kala helaya kuraasta degaannada ee ay ku loollamayaan.

“Horta cidda tartamaysa ee kala hadhayaa waa ururrada iyo xisbiyada, ashkhaas tartamaysa oo kala adkaanaysaa ma jirto. Nidaamka lagu kala helayaana waa kii saamiga boqolayda ahaa, haddii aan tafaasiil ka bixiyo masalan Hargeysa oo ay ka codayso 200 kun oo qof oo waxa loo taramayaana yahay 25 kursi, sidaa darteed, waxa la isu qaybinayaa 200 kun oo qof ee ka codaysay Hargeysa iyo 25-kii kursi ee loo taramayey, markaa tusaale ahaan qiimaha kursigu wuxuu noqonayaa 8 kun oo cod, in qof gaadho 8000 cod maaha daruuri, laakiin haddii qof gaadho xisbigu/ururku wuu helayba kursiga.

Tusaale ahaan ururka/xisbiga hela 40 kun oo cod, waxa tirada codadka uu helay loo qaybinayaa qiimihii kursiga ee 8000 ahaa, markaa ururkaasi ama xisbigaasi wuxuu helayaa 5 kursi,” ayuu yidhi Mr. Cabdirisaaq Ciyaalle.

Waxa kale oo Guddoomiyuhu tilmaamay qaabka murrashaxiinta urur keli ahi u kala helayaan kuraasta, isagoo ka digay in arrintaasi muran laga keeno, “Waxa dhici doonta oo hadhow muran keeni doonta haddii aan la fahmin dhici doonta haddii urur helo kursi qudha oo ninka ugu sarreeyaa helo 700 cod oo 25-kii murrashax ee ururkaasi ama xisbigaasi ku shuraakoobay ay sidaasi ku buuxiyaan 8000 ee la rabay, ururkaasi markaa waxa uu siin doonaa kursigaasi kii ugu sarreeyay.

Markaa ma jiro qof ka tartamaya xisbi ama urur oo dhacay iyo mid faa’isay, waxa tartamaya ururro iyo asxaab oo codka saamiga ah ku kala helaya kuraasida. Mana jirto sida dadku qabo in 25 qof ee Hargeysa ugu codka badani ay soo baxayaan,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo ansxinta axsaabta qaranka Mr. Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaalle).

Dhinaca kale, shirka loo qaybta salaadiinta oo ka hadhacay huteelka Maansoor, iskana kaashadeen qabashadiisa Akademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland iyo hay’ad la yidhaa Center for Humanitarian Dailog, waxa ka hadlay Garyaqaan Maxamed Faarax Xirsi oo ka socday Akademiga Nabadda iyo Horumarinta oo sheegay in ujeeddada kulanka ay u qabteen salaadiintu ahaa in la fahamsiiyo waxyaabaha muranka ku keeni kara natiijada doorashada, “Markasta dhibaatooyinku way iska yimaadaan, haddaba si dhibaatooyinkaas looga hortago waa in salaadiinta la wacyigeliyo oo ay wax ogaadaan oo ay hadhow ka qaybqaataan inay doorasho xor ahi dalka ka dhacdo, halkii hadhow intay ururradu beelo noqdaan ay odhan lahaayeen Suldaan waxbaa la khalday in Suldaanka laftiisu sii fahmo qaabka lagu kala saarrayo ururrada. Waxa kale oo salaadiinta la isugu yeedhay inay iyaguna bulshada baaq ugu soo jeediyaan sida ay toddobada urur u kala baxayaan ee saddex xisbi loo soo reebayo, isla markaana ay baaq nabadeed bulshada uga soo saaraan,” ayuu yidhi Maxamed Faarax.

Ugu dambayntii Suldaan Aadan Faarax Cumar oo ku hadlayey afka salaadiinta kulanka loo qabtay, ayaa u mahadceliyey hay’adaha ka qaybqaatay shirkooda oo uu sheegay in si fiican loogu fahamsiiyey qaabka ururrada siyaasaddu ugu soo kala baxayaan doorashada.

“Cid kasta oo tartan wadagasha cida dheeraysa ayaa soo baxada. Dalkani wadatashi iyo nabadgelyo ayuu halkan ku soo gaadhay axsaabta maanta tartamaysaa waa toddoba urur, toddobadaasi heshiis bay saxeexeen, waxaannu annaguna leenahay wixii ka soo baxa heshiiskaas ay saxeexeen inay ku qancaan ayaanu dadweynaha, axsaabta iyo Madaxdoodaba faraynaa,” ayuu yidhi Suldaan Aadan Faarax Cumar.






Salalnews.com/Hargeysa
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo
Proff.Axmed Ismaacil Samatar Jaaliyada Soomaaliyeed ee magalada Oslo kula kulmay Jaamacada Oslo..(Sawiro)
Openion / Fikrada
'Ninna dhuunibuu kuu dhex joogaa; Ninna dhaqashuu kuugu dhabar Jabay'
MUWAADIN/MUWAADINAD 1$ UGU TABARUC WADDADA BOORAME IYO HARGEYSA ADIGA I...
TOLNIMO WAA DUGSIYE YAAN LA ISU KEEN DIRIN
Bulshooy codkaagii ma kootiyo wareegto la eedo buu dhalay!
Congratulations to AMAAL Xaaji A. Miisaan
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ...
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s phil...
Message To Awdal People (Conference in Minesota) By: Dr Mohamed-Rashid
Taageerada Sangub ee KULMIYE waa haad geed waayey iyo riwaayadiisii .Xuu...
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.