Burco 24 Nov 2012 (SNN)- Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sharraxaad ka bixiyey siyaasadda hoggaamintiisa iyo ta ururkiisu ku dhaqmo oo uu sheegay inay ku salaysan tahay dulqaad waayeelnimo, isla markaana ay ka madhan tahay xag-xagasho iyo ku jiqsii.
Md. Cabdiraxmaan Cirro oo khudbad dheer ka jeediyey Sabtidii fagaaraha Khayriyada magaalada Burco oo ay isugu soo baxeen kumanaan ka mid ah taageerayaashii ururkiisa oo soo khatimay maalmihii ololahooda doorashada, waxa uu xusay in aanay mucaaradnimadu ahayn isbedbeddel fara badan oo qofku marba dhinac noqdo aan la garan meel loogu soo hagaago.
“WADDANI siyaasaddiisa iyo hoggaamintiisa waxa u astaan ah DULQAAD, hannaanka Waddani ku dhaqmaa waa mid waayeelnimo oo xilkasnimo. Waddani iyo hoggaankiisu ma yaqaanno jaafaajiriqa! Waad aragtaan in maalin walba Waddani caydiisa dadka qaarkood ku wardiyaan oo sidii ay inoo caayayeen iyagii ka daaleen. Caydu maaha luuqadda hoggaamiyaha Somaliland u baahan tahay, Waddani waxa uu aaminsan yahay inuu berri u talin doono kuwa maanta mucaaradka ku ah! Sidaa darteed ayuu ugu dulqaadanayaa.
Sidoo kale Waddani siyaasaddiisa waxa u sal ah oo bartimaameel loogu soo hagaago oo ah siyaasad Muddakar ah, waa siyaasaddaan ku baaqay khudbaddii iigu horraysay ee maalintii Waddani lagu dhawaaqay, waa siyaasad ka sarraysa dhaqannada KU-JIQSIIDA, KU-XUMEEDA, i-JIID-AAN-KU-JIIDEE, NAXLIGA iyo XASADKA salka ku haya.
Waddani cid gaara ma eryado, annigu shakhsiyan haddii aad taariikhdayda siyaasadeed dib u raacaadaan 11 sannadood ayaan siyaasadda Somaliland si toos ah ugu jiray, welina la igama hayo aniga oo cid gaar ah xag-xaganaya. Waa siyaasad Muddakar ah.”
“Annagu mucaaradnimada uma naqaanno in qofka marna wali Ilaahay laga dhigo oo lagu salliyo, marna laga dhigo bahal dad cun ah! Taas uma naqaanno mucaaradnimo. Qofka hogaamiyaha ahi waa in uu miisaannaadaa, meel loogu soo hagaagaa, maalinba ama gelinba luuqad waa in aannu ku hadal, taariikhdiisu waa in ay hoggaamiyaha is haysataa.... Dadka reer Somaliland waa wada walaalo, waa isku gogol, waa isku guri, waa isku dan, waa isku ood, waa dad u baahan walaalayn, isu-duwid iyo isu-soo-jiidid, uma baahna kala irdhayn iyo in xajiimo la dhex dhigo, waxay u baahan yihiin cid midaysa, WADDANINA wuxuu adkaynayaa wada jirkooda iyo horumarkooda togan. Siyaasaddu maaha wax la isku colaadiyo, kala duwanaanshaha siyaasaddu waxa uu la mid yahay kala duwanaanshaha ra’yiga oo kale,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Cirro.
Ugu dambayn Guddoomiyaha WADDANI waxa uu caddeeyey in ururkiisu aqbali doono natiijada doorashada, “Codka waa go’aanka shacbiga, waa maxkamadda shacbiga, rag siyaasiyiin ah baa maalin kasta TV-yada la soo fadhiista in aanay aqabalyn go’aanka shacbiga. WADDANI waxa uu hortiina ka caddeynayaa inuu aqbalyo go’aanka shacbiga oo noqon doona go’aanka natiijada ee Guddida Doorashooyinka Qarank,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo urur-siyaasadeedka WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Salalnews.com/Hargeysa |