Navigation
Home
Photo Galery
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
The Kroax
Rayo Tv
Random Media





Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha da’da yar ee madasha akhriska ee maskaxmaal mudane “C/laahi Xuseen Caateeye”
Waraysi Aad U Xiiso Badan Oo Aanu Layelanay Abwaan Weyn Mowliid Aden Qol Qol Qaybtii Koowaad.
Wareysi Aan La Yeelanay maamulaha markiska Salaaxudiin Islaamic Center Sh.cumar Axmed Cumar.
Wareysi Aan La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Shaybaadhka Ee Jamacada Caamuud Dr:maxamed Da'ud.
Wareysi Aanu La Yeelanay Maamulaha Dugsiga Sare ee Ubaya Binu Kacab Mustafe Muxumed Alabari.
Wareysi Aani La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ee Jaamacada Camuud Prof: Yurub C/raxman Muumin.
DR. Ali Sheikh Ahmed Abubakar(Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho) oo aan la yeelanay waraysi khaas ah .Q1aad,

No News
,
Ololaha Doorashada Degaanka Somaliland oo la soo Gunnaanaday iyo Komishanka Doorashooyinka oo Faahfaahiyey Hawlaha Maalinta Codbixinta
Hargeysa 25 Nov 2012 (SNN)- Ololaha doorashada golayaasha degaanka Somaliland ee u qorshaysan inay qabsoonto 28-ka bishan ayaa si rasmi ah caawa loo soo gabogabeeyey.

Ololahan oo muddo 28 maalmood ah ay dalka ka samaynayeen toddoba urur siyaasadeed oo mid waliba afar maalmood si gooni ah u lahaa, iyagoo guud ahaan magaalooyinka iyo degmooyinka ka sameeyey isu soo baxyo ismuujin ah, ayaa waxa soo gunnaanaday urur-siyaasadeedka XAQSOOR oo maanta sameeyey maalintiisii u dambaysay ololaha.

Dhinaca kale, Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlaha maalinta codbixinta ee la xidhiidha waqtiyada la furayo goobaha iyo xilliga xidhitaanka iyo weliba ku dhawaaqista natiijada.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Mr. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo shir jaraa’id ku qabtay shalay xarunta guud ee guddiga, waxa uu sheegay inay si rasmi ah u soo gebogaboobeen hawlihii ololaha doorashada ee ururrada iyo xisbiyadu ka wadeen dalka, isla markaana aan loo oggolayn inay wax dhaqdhaqaaq ah oo dambe sameeyaan labada maalmood ee ka horreeya 28-ka bisha oo loo dareeri doono codbixinta.

“Ku talagalku waxa uu yahay saacadda 6:00 subaxnimo ee maalinta 28-ka bisha in sanaaduuqda iyo agabka kale ku diyaar ahaadaan goob kasta oo codbixineed, iyadoo codbixintu bilaabmi doonta 7:00 araarnimo kadibna waxay xidhmi doontaa 6:00 galabnimo, laakiin dadka saacadaa safafka ku jiraa way codayn doonaan oo ilaa ay dhammaadaan lagama xidhayo. Natiijada doorashada waxaannu filaynaa in aannu si dhakhso ah ugu dhawaaqi karno, kolayba doorashadani way ka ballaadhan tahay tii hore oo muddo ayey naga qaadan doontaa ilaa toddobaad ayuu ku-talagalkayagu yahay.

Maalinta doorashadu dhacayso ee 28-ka bisha sidii caadada ahaan jirtay dhaqdhaqaaqa gaadiidka oo dhan ka dawladda iyo gaarka loo leeyahayba waa la xidhi doonaa, laakiin dib ayaanu ka soo sheegi doonaa gaadiidka daruuriga ah ee fasaxa la siin doono sida kuwa qaada adeegyada aasaasiga ah, annaga oo ciidanka booliska siin doona cidda socon karaysa iyo kuwa aan socon karayn oo lagu dheji doono waraaqda oggolaanshaha,” ayuu yidhi Md. Geelle.





Salalnews.com/Hargeysa
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo
Proff.Axmed Ismaacil Samatar Jaaliyada Soomaaliyeed ee magalada Oslo kula kulmay Jaamacada Oslo..(Sawiro)
Openion / Fikrada
'Ninna dhuunibuu kuu dhex joogaa; Ninna dhaqashuu kuugu dhabar Jabay'
MUWAADIN/MUWAADINAD 1$ UGU TABARUC WADDADA BOORAME IYO HARGEYSA ADIGA I...
TOLNIMO WAA DUGSIYE YAAN LA ISU KEEN DIRIN
Bulshooy codkaagii ma kootiyo wareegto la eedo buu dhalay!
Congratulations to AMAAL Xaaji A. Miisaan
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ...
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s phil...
Message To Awdal People (Conference in Minesota) By: Dr Mohamed-Rashid
Taageerada Sangub ee KULMIYE waa haad geed waayey iyo riwaayadiisii .Xuu...
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.