
Hargeysa (SNN)- Guddiga Joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland iyo qaar ka mid ah salaadiinta dalka, ayaa si wadajir ah dardaaranno iyo baaqyo la xidhiidha doorashada golaha degaanka ee loo dareeri doono berri u diray ururrada siyaasadda tartamaya, xukuumadda talada haysa iyo Komishanka Doorashooyinka.
Kulan ka qabsoomay shalay xarunta Golaha Guurtida oo ay soo qabanqaabisay Akademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland oo gacan ka helaysa hay’ad lagu magacaabo Center for Humanitarian Dailog, isuguna yimaadeen xubnaha Guddiga Joogtada ee golahaasi, salaadiin badan, qaar ka mid ah madaxda ururrada siyaasadda ee tartamaya, waxay ku baaqeen in xilliga doorashada si buuxda loo adkeeyo nabadgalyada dalka, doorashaduna noqoto mid si caddaalad ah u dhacda, isla markaana ururrada ama xisbiyada iyo murrashaxiinta tartamayaa ku qancaan natiijadeeda.
Agaasimaha Akademiga Nabadda iyo Horumarinta Xasan Cumar Halas oo furitaankii kulanka ka hadlay, ayaa sheegay shirka oo ay fikradiisa lahaayeen Guddiga Joogtada ee Guurtida ay ujeeddadiisu tahay sidii looga wadahadli lahaa in doorashada degaanku si fiican uga qabsoonto dalka, isla markaana odayaasha iyo madaxdhaqameedku dardaaran ugu jeedin lahaayeen shacabka iyo dhinacyada tartanku khuseeyo.
Ambassador Elin oo ka mid ah masuuliyiinta hay’adda Center For Humanitarien Dailog oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in hay’addiisa oo muddo badan Somaliland kala shaqaynaysay arrimaha doorashooyinku ay ka shaqeeyeen tababarida dadka dhinaca baraarujinta doorashada ku shaqada leh, isla markaana uu rajaynayo in doorashadani noqoto mid si wanaagsan u dhacda sidii ay caanka ku ahayd Somaliland.
“Waxa jira oo ii muuqda in iminka ay lugaheenu dhulka ku adagyihiin oo xeerarkii iyo nidaamkii ay doorashadu ku dhici lahayd aanay cidna ka qarsoonayn, isla markaana maadaama oo aynu wada fahansanahay xeerarkii oo aynu wada garanayno rajo wayn ayaan ku qabnaa inay si wanaagsan idiinku qabsoonto doorashadani,” ayuu yidhi Mr. Elin.
Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Sul. Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa salaadiinta madasha ka hadashay, ayaa ugu baaqay dhinacyada doorashada ee ururrada siyaasadda, xukuumadda iyo Komishanka Doorashooyinka inay dantooda ka horreysiiyaan danta qaranka oo doorashadu u dhacdo si xor iyo xalaal oo nabadgelyo ah, isagoo sheegay in aanay madaxdhaqeedku u dulqaadan doonin cid kasta oo isku dayday inay carqalayso nabadgelyada iyo qaranimada dalka.
“Gari rag kama wada qosliso, waayo maanta Hargeysa oo keliya waxa ka sharraxan 175 murrashax oo laga rabo 25 keliya, markaa 150 aan guulaysani way soo ducaynayaan, waxaannuna nin walba leenahay lexojeclo ka yeelo carruurtaada, akhiradaada iyo waliba qarankaaga,” ayuu yidhi Suldaan Xasan.
Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir oo isna kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo ku qanciwayda doorashada oo damacda inay qalalaase abuurto, “Nabadgalyada in cid looga baqo maaha mana aqbalayno ururka ku guuldaraysta ee muran ka yimaado, annagu ciidan ayaan u haysanaa waayo waxaanu ognahay tii nala soo mariyey, ninkii diyaaru ahow wataase soobax lagu fasax ye. Xukuumaddu maaha inay cid ka baqato oo ka warwarto waa tii shacabku ku doortay 95% , nabadgalyada cidda looga fadhiyaana waa xukuumadda, cid kasta oo nabadgalyo-darro keentana waanu ka soo horjeednaa,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir.
Ugu dambayn Guddoomiyaha Guddiga Joogtada Golaha Guurtida Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo kulankaasi soo gabogabeeyey ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeesto ciddii diida natiida doorashada.
“Waxaan idin farayaa in waxa ka soo baxa doorashada ee natiijo ah kolka lagu dhawaaqo in wixii khalkhal iyo cilaaq keena aynu dhan ka wada ahaano oo aynu dedaalno ayaan idiin soo jeedinayaa oo ninba halka uu joogo ka shaqeeyo ayaanu idinka dooneynaa. Waxaannu idin faraynaa maalintaa doorashadu dhacayso kuligeen in aynu wada boolis noqono oo aynu wareegnaa oo aynaan fadhiisan. Xisbiga ama ururka kol kuu dhaco raali noqdaa ma dhicin, dowlad buu leeyahay dadkaa jecel Ilaahay ayaa ka raalli ah, xisbiga cilaaqtama ee yidhaahda waa layga shubtay ee wareer kiciya ee maxasta caqliga ka xada, ninkaasi isagaa is riday Somalilandna dhan bay ka wada noqoneysaa isagoon waxba gureyn ayuu isagu is dilay,” ayuu yidhi Xaaji Cabdi-waraabe.
Salalnews.com/Hargeysa |