Navigation
Home
Photo Galery
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
The Kroax
Rayo Tv
Random Media





Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha da’da yar ee madasha akhriska ee maskaxmaal mudane “C/laahi Xuseen Caateeye”
Waraysi Aad U Xiiso Badan Oo Aanu Layelanay Abwaan Weyn Mowliid Aden Qol Qol Qaybtii Koowaad.
Wareysi Aan La Yeelanay maamulaha markiska Salaaxudiin Islaamic Center Sh.cumar Axmed Cumar.
Wareysi Aan La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Shaybaadhka Ee Jamacada Caamuud Dr:maxamed Da'ud.
Wareysi Aanu La Yeelanay Maamulaha Dugsiga Sare ee Ubaya Binu Kacab Mustafe Muxumed Alabari.
Wareysi Aani La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ee Jaamacada Camuud Prof: Yurub C/raxman Muumin.
DR. Ali Sheikh Ahmed Abubakar(Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho) oo aan la yeelanay waraysi khaas ah .Q1aad,

No News
,
Madaxweyne Siilaanyo oo Khudbad uu ugu Talogalay Doorashada ku Sheegay in Xisbigiisu u Hoggaansamayo Natiijadeeda
Hargeysa 27 Nov 2012 (SNN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa khudbad uu ugu talogalay doorashada golayaasha degaanka ee berri ka dhacaysa guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland ku sheegay in isaga iyo xisbigiisu si buuxda u aqbalayaan natiijada doorashada.

Khudbad uu Madaxweyne Siilaanyo warbaahinta u mariyay shacabka oo uu wacyigelin iyo dardaaran uga dhigay, isla markaana uu kaga hadlay arrimo dhawr ah, waxay u qornayd sidan;

“Bulshada Somaliland dibed iyo gudaba waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka, “ASSALAAMU CALAYKUM WA RAXMATULAAHI WA BARAKAATU”.
Walaalayaal:

Dadka Somaliland meel kasta oo aad joogtaan waxaan idiin rajaynayaa guul, waxaan idinku amaanayaa dedaalka iyo isku-duubnida, waxaana inoo ballana illaalinta qaranimada iyo wadaniyada.

Mudanayaal iyo marwooyin:

Waxaynu ku jirnaa wakhti doorasho, sidaynu wada ognahayna dal dimuquraadiya ayay caadadiisa tahay inuu dawladnimada heerarkeeda kala duwan kula-kalawareego tartan doorasho oo xor iyo xalaal ah. Anagoo taa ka-duulaynana, waxaanu diyaarinay doorashadii golayaasha deegaanka oo ay ku tartami doonaan 7 Urur iyo 2653 musharax guudahaan wadanka oo dhan. Waxaana la rajaynayaa inay kasoo baxaan 3 xisbi qaran iyo 379 xildhibaan kuwaasoo la wareegi doona maamulka dawladaha hoose ee dalka sida shuruucdeenu dhigayso.
Dawlad-ahaan waxaanu u hawl-galnay sidii arrintani u dhici lahayd, waxaanu furnay ururada siyaasadda iyadoo aanu guddi qaran u saarnay oo dalka oo dhammi wada-tashi ka yeeshay, markii laysku raacayna waxaanu u diyaarinay sharcigii lagu hagi-lahaa iyo komishinkii maamuli lahaa, iyadoo aanu u gudbinay Golayaasha Baarlamaanka, labada golena sharcigii waa dhamaystireen hawl-wadeenadiina way ansixiyeen.

Waxaanu u diyaarinay xafiisyadii iyo kharashaadkii aasaasiga u ahaa Xafiiska, iyadoo aanu gacan-buuxda ka siinay sidii ay shaqadooda u bilaabi-lahaayeen. Komishinkuna waxay shaqadoodii u bilaabeen si madax-banaan cidii danaynaysay in ay fursadaa ka faaiidaystaana waxay isu diwaangeliyeen ururo siyaasadeed, 15-kii Urur ee cusbaa iyo 3 xisbi ee hore. Waxaa maanta tartankii isugu soo hadhay 5 Urur iyo 2 Xisbi.

Waxaanu bixinay kharashkii doorashada $2,000,000 US Dollar ah oo u dhiganta %33 halkii aynu ka Bixin jirnay %25 xiliyadii hore. Waxaa kale oo aanu Ururada/Xisbiyada dhamaan ka bixinay gaadiidkii ay ku qaadan lahaayeen muraaqibiinta oo kharash gaadhaya illaa $150,000 US Dollar ah.

Waxaa hadana soo baxay kharash kale komishinku uga baahdeen culays goobaha kaga soo kordhay $100,000 US Dollar ah. Waxaanu diyaarinay ciidamadii amaanka ee dhamaan goobaha codbixinta, oo gaadhay illaa 6000 oo askari.

Walaalayaal, waa inoo diyaar garoonkii tartanka doorashadu, waxaan rajaynayaa inay si nabadgelyo leh inoogu qabsoonto, Illaahayna waxaan inooga baryayaa inuu inagu garab-galo.

Dhammaan Musharixiinta u tartamaya doorashada Golaha Deegaanka, Xisbiyada/Ururada ku hirdamaya Saaxada Siyaasadda ee u tartamaya sidii ay u noqon lahaayeen Xisbiyo Qaran:
Waxaan leeyahay hambalyo,
Waxaan leeyahay saaxiibtinimo ku tartama,
Waxaan leeyahay anshaxa ilaaliya,
Waxaan leeyahay qaranimada dhawra,
Waxaan leeyahay marka la tartamo la kala tagi maayee, is dhawrta oo wanaaga ha ka tegina.
Walaalayaal, Doorashadani maaha doorashadii ugu horeysay, mana aha doorashadii ugu dambaysay, waa doorashadii 5aad ee gayigeena ka qabsoonta, maalin kasta cid baa badinaysay cidna waa laga badinayey, maantana kama duwana ee Saddex Xisbi Qaran ayaa soo bixi doona oo u gudbi donna Xisbiyo Qaran. 378 Xildhibaan ayaa u soo bixi-doona Golayaasha Deegaanka ee Dalka, waxaan u rajaynayaa qaar khayr qaba, dalkan wanaag iyo horumar gaadhsiiya.

Walaalayaal, yuhunta iyo yiqiinta yaanay idinka xumaan, hadalada xanafta leh iska daaya oo doorashada si xor iyo xalaal u guta.

Nabadgelyada

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Ciidamada kala duwan ee Qaranka, Saxaafada, Xisbiyada/Ururada Bulshada reer Somaliland ee nabada jecel, waxaan leeyahay nabada ha la adkeeyo, nabadgelyada isu kaashada, nabadgelyadu waa raasamaalka Qarankani haysto ee meel halooga soo wada jeesto, qof kastowba xil baa kaa saran nabadgelyada, waa dantiina ee ilaashada.

Somaliland waxay soo martay xilliyo adag oo cadowgeeduna intan ka badnaa. Maanta waxa Jamhuuriyaddu ku taagantahay tiirar adag oo aan la liicin karin, cabsina kama qabto cadow dibadeed oo jiritaankeeda iyo midnimadeeda waxayeelleeya. Waxaynu leenahay shacbi iyo ciidan heegan u ah in ay ka difaacaan cidkasta oo kusoo gardarroota.
Somaliland waxay ku jirtaa meelaha ugu horreeya ee lagu majeerto nabad iyo deggenaansho gobolkan Geeska Afrika.

Habsami-u-socodka Doorashada

Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Komishanka Kala-reebista Ururada, Goob-joogayaasha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah, Ururada Bulshada, Golaha Guurtida, Madax-dhaqameedka iyo culimada; waxaan ugu baaqayaa inay si feejigan isha ugu hayaan habsami-u-socodka doorashada, meelna ugu soo wadajeestaan cidkasta oo carqalad ku-haysa.

Dhamaanteena aan gacan buuxda ku siino Komishanka Xilka loo igmaday, si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaalahi. Aniga iyo xukuumadayduna waxaan diyaar u nahay in aanu isku garab-taagno Komishinka Doorashooyinka iyo Komishinka Diiwaangelinta gudashada xilkooda, si ay dhamaystiranto dimuqraadiyada Somaliland ka-hanaqaaday, Bulshaduna u gaadho himiladeeda.

Natiijada Doorashadda

Aniga iyo Xisbigaygu waxaan balan qaadaynaa in aanu aqbali doono natiijada doorashada. Xisbiyada/Ururada waxaan ugu baaqayaa in ay aqbalaan wixii ka soo baxa, sharcigana u hogaansamaan una hambalyeeyaan ciddii ku guulaysata. Dalkan mas’uuliyadiisa, Sharciyadiisa, nabadgelyadiisa anigaa xilkiisu isaaran-yahay, mana aqbali doono cidii sharciga ku xad-gudubta, cidii nabadgelyada dhaawacda, cidii jiritaanka iyo masiirka ummadan ka hortimaada.

Bulshada reer Somaliland waxaan leeyahay codkiina si xor iyo xalaal ah u dhiibta, cidii aad u garataana siiya.

Bulshada reer Somaliland waxaan leeyahay isku duubnaada oo ilaashada nabadgelyada.

Bulshada reer Somaliland waxaan leeyahay ilaashada Qaranimada, gacanna ka siiya Hay’adaha amaanka gudashada xilkooda,” ayuu ku soo gunnaanaday khudbadiisa Madaxweyne Siilaanyo.





Salalnews.com/Hargeysa
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo
Proff.Axmed Ismaacil Samatar Jaaliyada Soomaaliyeed ee magalada Oslo kula kulmay Jaamacada Oslo..(Sawiro)
Openion / Fikrada
'Ninna dhuunibuu kuu dhex joogaa; Ninna dhaqashuu kuugu dhabar Jabay'
MUWAADIN/MUWAADINAD 1$ UGU TABARUC WADDADA BOORAME IYO HARGEYSA ADIGA I...
TOLNIMO WAA DUGSIYE YAAN LA ISU KEEN DIRIN
Bulshooy codkaagii ma kootiyo wareegto la eedo buu dhalay!
Congratulations to AMAAL Xaaji A. Miisaan
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ...
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s phil...
Message To Awdal People (Conference in Minesota) By: Dr Mohamed-Rashid
Taageerada Sangub ee KULMIYE waa haad geed waayey iyo riwaayadiisii .Xuu...
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.