Navigation
Home
Photo Galery
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
The Kroax
Rayo Tv
Random Media





Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha da’da yar ee madasha akhriska ee maskaxmaal mudane “C/laahi Xuseen Caateeye”
Waraysi Aad U Xiiso Badan Oo Aanu Layelanay Abwaan Weyn Mowliid Aden Qol Qol Qaybtii Koowaad.
Wareysi Aan La Yeelanay maamulaha markiska Salaaxudiin Islaamic Center Sh.cumar Axmed Cumar.
Wareysi Aan La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Shaybaadhka Ee Jamacada Caamuud Dr:maxamed Da'ud.
Wareysi Aanu La Yeelanay Maamulaha Dugsiga Sare ee Ubaya Binu Kacab Mustafe Muxumed Alabari.
Wareysi Aani La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ee Jaamacada Camuud Prof: Yurub C/raxman Muumin.
DR. Ali Sheikh Ahmed Abubakar(Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho) oo aan la yeelanay waraysi khaas ah .Q1aad,

No News
,
Doorashada Degaannada Somaliland oo Jewi Nabadgelyo ah ku Dhammaatay

Hargeysa 28 Non 2012 (SNN)- Doorashada Golayaasha Degaanka Somaliland oo guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka maanta ka qabsoontay, ayaa abbaaro 6:00 makhribnimo ee caawa ku dhammaatay jewi nabadgelyo ah.

Dadweynaha reer Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta safaf dhaadheer u galay codbixinta doorashada dawladaha hoose oo ah tii labaad ee dalka ka qabsoonta, isla markaana ka dhacday 21 degmo oo kala duwan ayaa ku soo gabagabowday xasillooni aan wax dhibaato ahi ka dhicin, marka laga reebo shaqaaqo muddo kooban socotay oo kooxaha nabad-diidka ahi ku doonayeen carqaladaynta codbixinta doorashada oo markii u horreysay ka qabsoontay degmada Xudun oo ka tirsan Gobolka Sool.

Ciidammada Qaranka ayaa fashiliyey qorshe koox maleeshiyo ahi doonaysay inay ku carqaladayso doorashada goobaha codbixinta ee degmada Xudun, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen, arrintaas oo keentay in waxoogaa dib-u-dhac ahi ku yimaado waqtigii furitaanka goobaha codbixinta, balse waxyar kadib waxa dib u furmay codaynta dadweynaha oo si nabadgelyo ahna ku dhammaatay.

“Doorashada deegaanku waa doorashadii ugu ballaadhnayd waxaanay ka dhacday goobo aad u badan oo aanay doorashooyinkii hore ka dhicin oo ah Sool iyo Sanaag Bari. Degmada Xudun waxay ka mid tahay degmooyinka aanay hore uga qabsoomi jirin doorashooyinkii hore, hase ahaatee sannadkan laga qabtay, maadaama oo ay tahay goob cusub koox maleeshiyaad ah ayaa meelo soo tuur-tuuray, laakiin may hakin doorashadii Ciidanka qaranka ayaana difaacay.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ka warramayey shaqaaqada kooxaha nabad-diidka ahi kaga soo horjeedaan doorashada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), madaxda ururrada siyaasadda iyo inta badan masuuliyiinta kale ee qaranka, ayaa subaxnimadii hore codkooda ka dhiibtay goobta codbixinta xarunta hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee magaalada Hargeysa.



Madaxweyne Siilaanyo oo markii uu codkiisa dhiibtay kadib ayaa farriin kooban oo ku saabsan dareenkiisa doorashada, waxa uu yidhi, “Saaka codkii aan xaqa u lahaa ayaan ka dhiibtay goobtan. Insha Allaahu Tacaalaa waxaynu rajaynayaa in Ilaahay ummaddeena iyo dalkeena guul uga dhigo doorashadan.”

Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa sheegay inay si habsami ah, isla markaana nabadgelyo ah ku dhamaatay doorashadii Maanta guud ahaan dalka ka qabsoontay.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Eng. Ciise Yuusuf Xamari oo caawa fiidkii la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in guud ahaan doorashadii goleyaasha deegaanka ee Maanta dalka looga dareeray ay si habsami ah u dhamaatay, markay saacadu ku beegnayd lixdii fiidnimo ee caawa.

“Doorashadii oo maanta si wanaagsan inoogu soo gabgabawday, waxa weeyaan 28-kii bishii 11aad 2012-ka doorashadii goleyaasha deegaanka oo ku soo gabagabawday si nabadgelyo ah, waxa Illaahay mahadii ah sidii fiicnayd ee ay maanta inoogu qabsoontay, kolay doorasho kasta oo timaadana casharo ayaynu ka baranaa, si wacan ayay guud ahaan inoogu soo dhamaatay, sidaa wanaagsan ayay natiijaduna kusoo ururi doontaa.



Xildhibaannadii sharaxnaana ku aqbali doonaan, mar hadii saacadu lixda gaadho kuyuuga xaga dambe ayaa laga xidhayaa inta safka ku jirtana waa loo dhamaystirayaa, sidaas ayayna doorashadii inoogu soo dhamaatay,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Eng. Xamari.






Salalnews.com/Hargeysa
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo
Proff.Axmed Ismaacil Samatar Jaaliyada Soomaaliyeed ee magalada Oslo kula kulmay Jaamacada Oslo..(Sawiro)
Openion / Fikrada
'Ninna dhuunibuu kuu dhex joogaa; Ninna dhaqashuu kuugu dhabar Jabay'
MUWAADIN/MUWAADINAD 1$ UGU TABARUC WADDADA BOORAME IYO HARGEYSA ADIGA I...
TOLNIMO WAA DUGSIYE YAAN LA ISU KEEN DIRIN
Bulshooy codkaagii ma kootiyo wareegto la eedo buu dhalay!
Congratulations to AMAAL Xaaji A. Miisaan
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ...
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s phil...
Message To Awdal People (Conference in Minesota) By: Dr Mohamed-Rashid
Taageerada Sangub ee KULMIYE waa haad geed waayey iyo riwaayadiisii .Xuu...
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.