Navigation
Home
Photo Galery
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
The Kroax
Rayo Tv
Random Media





Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha da’da yar ee madasha akhriska ee maskaxmaal mudane “C/laahi Xuseen Caateeye”
Waraysi Aad U Xiiso Badan Oo Aanu Layelanay Abwaan Weyn Mowliid Aden Qol Qol Qaybtii Koowaad.
Wareysi Aan La Yeelanay maamulaha markiska Salaaxudiin Islaamic Center Sh.cumar Axmed Cumar.
Wareysi Aan La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Shaybaadhka Ee Jamacada Caamuud Dr:maxamed Da'ud.
Wareysi Aanu La Yeelanay Maamulaha Dugsiga Sare ee Ubaya Binu Kacab Mustafe Muxumed Alabari.
Wareysi Aani La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ee Jaamacada Camuud Prof: Yurub C/raxman Muumin.
DR. Ali Sheikh Ahmed Abubakar(Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho) oo aan la yeelanay waraysi khaas ah .Q1aad,

No News
,
Xuska Maalinta la-dagaallanka AIDS-ka iyo Heerka uu ka Marayo Somaliland oo la Shaaciyey
Hargeysa 01 December 2012 (SNN)- Maalinta la-dagaallanka dilaaga AIDS-ka oo 1-da December sannad walba laga xuso adduunyada oo dhan, ayaa munaasibad lagu qabtay caasimadda Hargeysa maanta waxa lagaga wacyigeliyey shacabka halista xannuunkani leeyahay.

Musaasibad ballaadhan oo uu soo qabanqaabiyey Komishanka Ka Hortaga AIDS-ka Somaliland (SOLNAC) oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, kana qaybqaleen masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Xuseen Maxamuud (Xoog), Agaasimaha Komishankan Ka-hortaga AIDS-ka Mr. Maxamed Daahir, wakiillo ka socday dalladda ay ku bahoobeen ururrada ka shaqeeya arrimaha xannuunkan iyo hay’adaha caalamiga ah ee caawiya, ururka Bisha Cas ee Somaliland iyo ardayda wax ka barata, shakhsiyaad ka mid ah dadka la nool xannuunkan iyo marti sharaf kale oo badan, waxa dadweynaha loogu jeediyey talooyin la xidhiidha ka hortaga xannuunkan, la noolaanshaha iyo qaabka loola dhaqmayo qofka qaba.

Marwo Aamina oo ka mid ah dadka la nool AIDS-ka oo xafladda ka hadashay ayaa ka sheekaysay xaaladda ay ku nool yihiin iyada iyo dadka kale ee xannuunkani asiibay, iyadoo sheegtay inay dhibaatooyin badan qabaan oo ay ka mid yihiin takoor bulshadu ku hayso, daryeel iyo caawimo la’aan aanay ka helin dawladda iyo hay’adaha caalamiga ah midna, waxaanay si gaar ah uga cabatay hay’adda Qaramada Midoobay ee WFP oo ay sheegtay inay siiso raashin ay diideen xawayaanku.

Agaasimaha Komishanka ka hortaga AIDS-ka Somaliland Mr. Maxamed Daahir oo hadal ka ka jeediyey munaasibadda ayaa soo bandhigay warbixin ka hadlaysa heerka HIV/AIDS-ku ka marayo dalka, waxaannu sheegay in daraasad laga sameeyey goobaha caafimaadka muddadii u dhaxaysay sannadihii 2004-dii ilaa 2011-kii oo lagu baadhay dad tiradoodu dhan tahay 20,785 qof oo isugu jira 10313 dumar ah iyo 10469 rag ah laga helay xannuunka AIDS-ka 2854 (laba kun siddeed boqol iyo afar iyo konton) oo u kala baxa 1239 dumar ah iyo 1575 rag ah.



Waxa kale oo Agaasimuhu warbixintiisa ku sheegay in baadhitaan kale oo la qaaday siddeedii bilood ee u horreeyey sannadkan 2012-ka oo lagu baadhay 20351 qof oo isugu jira 13271 dumar ah iyo 6880 rag ah laga helay xannuunkan 461 qof oo u kala baxa 266 dumar ah iyo 195 rag ah. Sidaa darteedna tiradani muujinayso in bil kasta 58 qof oo booqda xarumaha caafimaadka laga helo xannuunkan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Xuseen Maxamuud Muxumed (Xuseen-Xoog) oo khudbad ka jeediyey madasha, ayaa sheegay in ujeeddada maalintan gaarka ah loogu cayimay xannuunka AIDS-ka ay tahay in la iska wacyigeliyo dhibaatadiisa, laguna baraarujiyo dadweynaha si loogu midoobo ka hortagiisa iyo wax ka qabashadiisaba.

Dr. Xuseen waxa uu tilmaamay meelaha xannuunkani Somaliland uu kaga yimaado ay u badan yihiin dadka xuduudaha iskaga gudba, gaar ahaan darawallada gaadiidka taga dalalka jaarka ah, isla markaana qaybaha bulshada ee uu halista ku hayo.

Munaasabaddaas waxa lagu soo bandhigay riwaayad suugaaneed iyo bandhig ciyaareed ay sameeyeen dhallinyarada ciyaaraha fudud oo ka turjumayey dhibaatooyinka Aids-ka iyo wacyigelin bulshada loogu tilmaamayey hannaanka habboon ee la iska ilaalin karo xannuunkan. Waxa kale oo halkaasi ururka waddaniga ah ee Talo-wadaag lacag ku guddoonsiiyey saddex dumar ah oo ka mid ah dadka la nool Aids-ka oo midkiiba $500 la siiyey loogu talogalay inay ganacsi ku abuurtaan.





Salalnews.com/Hargeysa
Comments
#1 | Alexandra on March 25 2013 03:37:58
selections of numerous winder producers,your lookup from the compatible observe winder ought to definitely concentrate concerning the great high quality Breiting watches fake watches Tag Heuer watches ,compatibility,reliability of one's winder brand names,not just determined by promoting cost on your personal.Soon following all,you may have invested truly a bit bit of funds on your personal great take a look at collection. Today’s brand name title automated watches array from a handful of many bucks to just a couple of numerous numbers bucks or perhaps much more. A trusted superior automated winder is very important in retaining and prolonging the mechanical living of one’s excellent watches. Won't merely just think about the pricing by your self. An affordable winder could genuinely do much more harm for the see inside prolonged phrase,as you will find really some winders
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo
Proff.Axmed Ismaacil Samatar Jaaliyada Soomaaliyeed ee magalada Oslo kula kulmay Jaamacada Oslo..(Sawiro)
Openion / Fikrada
'Ninna dhuunibuu kuu dhex joogaa; Ninna dhaqashuu kuugu dhabar Jabay'
MUWAADIN/MUWAADINAD 1$ UGU TABARUC WADDADA BOORAME IYO HARGEYSA ADIGA I...
TOLNIMO WAA DUGSIYE YAAN LA ISU KEEN DIRIN
Bulshooy codkaagii ma kootiyo wareegto la eedo buu dhalay!
Congratulations to AMAAL Xaaji A. Miisaan
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ...
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s phil...
Message To Awdal People (Conference in Minesota) By: Dr Mohamed-Rashid
Taageerada Sangub ee KULMIYE waa haad geed waayey iyo riwaayadiisii .Xuu...
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.