Navigation
Home
Photo Galery
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
The Kroax
Rayo Tv
Random Media





Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha da’da yar ee madasha akhriska ee maskaxmaal mudane “C/laahi Xuseen Caateeye”
Waraysi Aad U Xiiso Badan Oo Aanu Layelanay Abwaan Weyn Mowliid Aden Qol Qol Qaybtii Koowaad.
Wareysi Aan La Yeelanay maamulaha markiska Salaaxudiin Islaamic Center Sh.cumar Axmed Cumar.
Wareysi Aan La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Shaybaadhka Ee Jamacada Caamuud Dr:maxamed Da'ud.
Wareysi Aanu La Yeelanay Maamulaha Dugsiga Sare ee Ubaya Binu Kacab Mustafe Muxumed Alabari.
Wareysi Aani La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ee Jaamacada Camuud Prof: Yurub C/raxman Muumin.
DR. Ali Sheikh Ahmed Abubakar(Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho) oo aan la yeelanay waraysi khaas ah .Q1aad,

No News
,
Cuqaal iyo Aqoonyahan ka Tirsan Beesha Ciise ee Degmada Lughaya oo Sheegay Inaanay Doorasho Xaq Ahi ka Dhicin Degmadaasi
Hargeysa 03 Dec 2012 (SNN) - Cuqaasha iyo wax garadka Beesha Ciise ee kasoo jeeda demgada lug-haya ayaa ku dhawaaqay in aanay doorasho dhab ahi ka qabsoomin deeganka lughaya.

Xunbo ka tirsan aqoonyahanka iyo cuqaasha beesha Ciise ee degmada Lughaya oo shir jaraa’id ku qabtay hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa, ayaa faahfaahin ka bixiyey doorashadii golaha deegaanka ee ka qabsoontay degmada lughaya oo ay ku tilmaamay doorasho ku sheeg aan xaq ahayn.

Ugu horreyn waxa shirka jaraa’id ka hadlay Caaqil Gaydh Axmed Waabari oo gaashaanka ku dhuftay doorashadii ka qabsoontay degmada Lugahaya, “Meesha wax xaq ihi kamuu dhicin, lix san duuq oo la kala geeyay gudaha iyo bariga degmada si beesha ciise looga badiyo sanquuq kaliya ayaa lagu koobay halka shanktii kale aan lagarayn meel lala tagay oo codka lagaga riday.” Isaga oo hadalka sii watana waxa uu yidhi caaqilku, “Waxan xukuumada u sheegayaa in wixii halkaa ka dhacay beesha ciise qaadacay oo aanay qaadanayn cidii samaysayna ay ka masuul tahay,” ayuu yidhi Caaqil Gaydh.

Sidoo kale wax shirka jaraa’id ka hadlay aqoon yahan Cabdi Siciid Qaalib, oo sheegay in doorashadii ka dhacday demgada Lughaya aanay ahayn mid sharci ah oo u dhacday sidii loogu talogalay isaga oo dhinaca kale sheegay in degmada guud ahaan la geeyay 28-sanduuq iyada oo uu sheegay lix ka mid ah la lunsaday oo aan lagaranayn meel la dhigay iyo cid ka codaysay.

Isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxa degmada la keenay 28 sanduuq, lix ka mid ah wax codbixin ihi kamay dhicin lamana garanayo cid ka codaysay iyo meel lala tagay cidii wadatay ayaana gacanta ku haysatay.”

Ugu danbaytiina waxa shirka jaraa’id ka hadlay aqoon yahan C/laahi Axmed Rooble, oo sheegay in shaqaalaha goobaha codbixinta Beesha Ciise laga badsaday oo ay sadex xubnood oo kaliya ku lahayd shaqalaha hawsha fulinayay.





Xigasho: Haatuf
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo
Proff.Axmed Ismaacil Samatar Jaaliyada Soomaaliyeed ee magalada Oslo kula kulmay Jaamacada Oslo..(Sawiro)
Openion / Fikrada
'Ninna dhuunibuu kuu dhex joogaa; Ninna dhaqashuu kuugu dhabar Jabay'
MUWAADIN/MUWAADINAD 1$ UGU TABARUC WADDADA BOORAME IYO HARGEYSA ADIGA I...
TOLNIMO WAA DUGSIYE YAAN LA ISU KEEN DIRIN
Bulshooy codkaagii ma kootiyo wareegto la eedo buu dhalay!
Congratulations to AMAAL Xaaji A. Miisaan
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ...
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s phil...
Message To Awdal People (Conference in Minesota) By: Dr Mohamed-Rashid
Taageerada Sangub ee KULMIYE waa haad geed waayey iyo riwaayadiisii .Xuu...
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.