Badhasaabka Awdal oo Shacabka Somaliland ku Hambalyeeyey ka Qaybgalkii Doorashada
Boorame 03 Dec 2012 (SNN)- Badhasaabka Gobolka Awdal Axmed Xadi Sidci, ayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyey sidii wanaagsanayd ee ay uga qaybgaleen codbixintii doorashada.
Md. Axmed Xadi Sidci oo maanta la hadlay warbaahinta, waxa uu mahadnaqay u diray shacabka, gaar ahaan kuwa Gobolka Awdal, isagoo qaabkii doorashadu u dhacday ku tilmaamay tallaabo guul ah oo Somaliland hore u qaaday.
“Shacabku sida wanaagsan ee ay uga qaybqaateen doorashooyinka, u dhawreen nabadgalyada, u muujiyeen bislaanshaha dhinaca dimuquraadiyada waxay astaan u tahay inay cagta saareen tubtii aqoonsiga ee muddada la sugyey, tani waa mid caalamku ku cibro qaadanayo, dalal badana u ah cashar lama ilaawaan ah” ayuu yidhi Md. Sidci.
Badhasaabku waxa uu u mahadnaqay dhammaan dhinacyadii ka qaybqaatay hirgelinta doorashada ee kala ahaa xukuumadda, axsaabta iyo ururrada siyaasada, ciidammada amniga, shacabka iyo guud ahaanba qaandhaan-bixiyayaasha caalamiga ah.