Navigation
Home
Photo Galery
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
The Kroax
Rayo Tv
Random Media





Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha da’da yar ee madasha akhriska ee maskaxmaal mudane “C/laahi Xuseen Caateeye”
Waraysi Aad U Xiiso Badan Oo Aanu Layelanay Abwaan Weyn Mowliid Aden Qol Qol Qaybtii Koowaad.
Wareysi Aan La Yeelanay maamulaha markiska Salaaxudiin Islaamic Center Sh.cumar Axmed Cumar.
Wareysi Aan La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Shaybaadhka Ee Jamacada Caamuud Dr:maxamed Da'ud.
Wareysi Aanu La Yeelanay Maamulaha Dugsiga Sare ee Ubaya Binu Kacab Mustafe Muxumed Alabari.
Wareysi Aani La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ee Jaamacada Camuud Prof: Yurub C/raxman Muumin.
DR. Ali Sheikh Ahmed Abubakar(Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho) oo aan la yeelanay waraysi khaas ah .Q1aad,

No News
,
Goob-joogayaasha Caalamiga ah oo Tilmaamo ka Bixiyey Doorashadii Degaanka ee Somaliland

Hargeysa 04 Dec 2012 (SNN)- Goob-joogayaasha caalamiga ah ee qiimaynayey doorashadii golayaasha degaanka Somaliland ee 28-kii bishii hore November dalka ka qabsoontay, ayaa tilmaamo ka bixiyey qaabkii codbixintu u dhacday ee wanaagyada iyo hoos-u-dhacyadaba lahaa.

Goob-joogayaasha oo shir jaraa’id ku qabtay shalay magaalada Hargeysa, waxay shacabka Somaliland iyo Guddiga Doorashooyinka ku ammaaneen sida nabadgelyada buuxda ah iyo rabitaanka dimuqraadiyadeed ee sida waadixa ah ay ugu cabireen doorashada.

War-murtiyeed uu shirkaasi jaraa’id ka akhriyey Xidhiidhiyaha goob-joogayaasha Dr. Steve Kibble waxa uu ku sheegay in waqtigan oo ay socoto tirinta codadkii la dhiibtay aanay soo saari karin qiimayn dhammaystiran oo ku saabsan doorashada. Haseyeeshee, xilligan ay tilmaami karaan waxyaabihii wanaagsanaa iyo kuwii liitay ee ku saabsanaa doorashada, waxaannay ammaaneen qaabkii uu u dhacay ololuhu ee ururrada iyo murrashaxiintu u ixtiraameen maalmihii loo kala cayimay, sidoo kale waxay bogaadiyeen da’da murrashaxiinta doorashada ee hoos loo dhigay oo dhiirigelisay dhallinyaro badan, gaar ahaan dumarka.

“Dhibaatooyinka dhacay oo Guddiga Doorashooyinku uga jawaabayey si degdeg ah oo firfircoon, haddana waa in aannu wax ka tilmaano. Dhibaatooyinka ugu khatarsani waxay salka ku hayeen diiwaangelin la’aanta codbixiyayaasha iyo daciifnimada ilaaliyaha oo uu ugu horreeyo khadka loogu talogalay in farta lagaga calaamadiyo codeeyaha oo ahaa mid khafiif ah, kaas oo ka dhigay in ku celcelintu fududaato,” ayuu yidhi Dr. Steve.

Waxaannu intaa raaciyey, “Doorashooyinka soo socda, waxaannu Somaliland kula talinaynaa inay qabatinto nidaam adag oo lagu diiwaangeliyo muwaadiniinta ama codbixiyayaasha, si looga hortago wax-isdabamarin, lana horumariyo hannaanka doorashooyinka.”

Waxa kale oo war-murtiyeedka lagu sheegay in goob-joogayaasha oo tiradoodu dhammayd 50 qof oo ka kala socday 17 dal ay qayb ka mid ahi sii joogi doonaan Somaliland si ay u qiimeeyaan xaaladda doorashada kadib oo ay ku jiraan ku dhawaaqista natiijada iyo shaqada Guddiga Diiwaangelintu ku kala saari doonaan ururrada oo ay soo bixi doonaan saddex xisbi qaran.

“Waxaannu Guddiga Doorashooyinka u gudbin doonaa warbixinahayaga aannu ku soo bandhigayno waxyaabihii aannu ka calaamadinay doorashada, waxaannuna hore ugu sii socon doonaa wadashaqayn midho-dhal ah oo aannu la yeelano, waxaannu ku sii socon doonaa jidka nidaamka doorashooyinka oo aannu aaminsanahay inuu gaadhi doono heer sare oo horumarsan oo ka turjumaya rabitaanka dadweynaha Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Xidhiidhiyaha goob-joogayaasha caalamiga ahi Dr. Steve Kibble.




Salalnews.com/Hargeysa
Comments
#1 | jingyan on April 15 2013 00:04:05
Considering that totally storyline simulacre is included decisive moment typically the chanel wallets, loved ones members inevitably consumer credit rating real to behave take an tremendously gaudy option towards tryout monopoly as. But, you'll want to have an understanding of who and also the selling price consign replicate a second set of as opposed to getting a chanel outlet, exist dying n't invariably indicate whole-length who disconsolate. appearance numerous occurrences, the charge potentiality demonstrate to bearing in mind meritorious bearing in mind 75% of this a measure monetary fee of this chanel replica bags.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo
Proff.Axmed Ismaacil Samatar Jaaliyada Soomaaliyeed ee magalada Oslo kula kulmay Jaamacada Oslo..(Sawiro)
Openion / Fikrada
'Ninna dhuunibuu kuu dhex joogaa; Ninna dhaqashuu kuugu dhabar Jabay'
MUWAADIN/MUWAADINAD 1$ UGU TABARUC WADDADA BOORAME IYO HARGEYSA ADIGA I...
TOLNIMO WAA DUGSIYE YAAN LA ISU KEEN DIRIN
Bulshooy codkaagii ma kootiyo wareegto la eedo buu dhalay!
Congratulations to AMAAL Xaaji A. Miisaan
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ...
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s phil...
Message To Awdal People (Conference in Minesota) By: Dr Mohamed-Rashid
Taageerada Sangub ee KULMIYE waa haad geed waayey iyo riwaayadiisii .Xuu...
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.