Navigation
Home
Photo Galery
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
The Kroax
Rayo Tv
Random Media





Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha da’da yar ee madasha akhriska ee maskaxmaal mudane “C/laahi Xuseen Caateeye”
Waraysi Aad U Xiiso Badan Oo Aanu Layelanay Abwaan Weyn Mowliid Aden Qol Qol Qaybtii Koowaad.
Wareysi Aan La Yeelanay maamulaha markiska Salaaxudiin Islaamic Center Sh.cumar Axmed Cumar.
Wareysi Aan La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Shaybaadhka Ee Jamacada Caamuud Dr:maxamed Da'ud.
Wareysi Aanu La Yeelanay Maamulaha Dugsiga Sare ee Ubaya Binu Kacab Mustafe Muxumed Alabari.
Wareysi Aani La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ee Jaamacada Camuud Prof: Yurub C/raxman Muumin.
DR. Ali Sheikh Ahmed Abubakar(Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho) oo aan la yeelanay waraysi khaas ah .Q1aad,

No News
,
Beesha Ciise Oo Safaarada Maraykanka Ee Jabuuti Gaadhsiiyay Dacwad Lid Ku Ah Doorashadii Deegaanka.
London(SNN)Dawladda Maraykanka ayaa ka hadashay doorashadii deegaanka ee Somaliland ka dhacday 28-kii bishii November ee sanadkan, taasi oo natiijadii ka soo baxday gobolada qaarkood muran ka dhashay.

Dawladda Maraykanka, ayaa hambalyeysay doorashadda deegaanada ee shacabka Somaliland kus oo dooranayeen maamulada degmooyinka kala duwan ee dalka, waxaanu Maraykanku sheegay inuu dhiirigalinayo in la sii wado doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda.

Safiirka Dawladda Maraykanka u fadhida dalka Somaliland jaarka la ah ee Jabuuti Ambassador Geeta Pasi, ayaa sidoo kale cambaaraysay dilkii ciidamadda amaanku u gaysteen dhowrkii qof ee ka midka ahaa dadkii ka mudaharaaday natiijadda degmooyinka Gobolka Hargeysa.

Safiirka Maraykanka ee dalka Jabuuti oo habeen hore u warantay Telefishanka Africa24 oo xaruntiisu yahay dalka Tanzania ayaa iyadda oo ka hadlaysa doorashadda deegaanada Somaliland tidhi “Waanu soo dhawaynayna doorashooyinkaasi, waxaaanu mar walba ku dhiiri-gelinayna dadka Somaliland degan inay dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka ay gaadheen sii xoojiyaan, waanuna ku amaanaynaa deganaanshaha ka jira Somaliland ee ay kaga duwan yihiin Soomaaliya, waana sababta aanu u samaynay barnaamijka labada waji ah (Dual Track Policy) ee aanu gacanta u siinayno dadka iyagu ku tashaday xasilooni iyo nabadgelyo sida Somaliland”

Ambassador Geeta Pasi oo la waydiiyey in natiijadii doorashadaasi ay keentay in ciidamadda amaanku ay dilaan dad rayid ah oo dibad-bax dhigayey ayaa ku jawaabtay “Runtii arrintaasi cabashadeedu way na soo gaadhay, aad ayaan uga xunahay dhimashada dadka rayidka ah”ayay tidhi waxayna intaa ku dartay “Waxaanu ugu baaqaynaa Maamulku inay ka fogaadaan wixii dhib u keenaya dadka rayidka ah, waayo xaq ayey u leeyahiin inay muujiyaan dareenkooda si nabad ah, hogaanka waxaanu ugu baaqayna inay ixtiraamaan doonista shacabkooda, falkaasina haddii uu yahay sidaasi waanu cambaraynayna”

Safiirka dawladda Maraykanka u fadhida dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Geeta Pasi waxa kale oo ay sheegtay inay gaadheen cabashooyin la xidhiidha goobo aan doorashada si fiican loo maamulin “Waxa na soo gaadhaya in doorashada aan goobaha qaarkood si wanaagsan loo maamulin, waxaanu u soo jeedinayna cidda gacanta ku haysa doorashadu inay eegaan cabashooyinka jira”

Hadalkanka Safiirka Maraykanka ee Jabuuti ku sheegtay inay gaadheen cabashooyin la xidhiidha inaan goobaha qaarkood aan doorashada si fiican loo maamulin, ayaa ku soo beegmaya xili guddi beesha gobolka Salal ka socdaa ay safar ku tageen Magaaladda Jabuuti, si ay khaladaadka ka dhacay doorashadda iyo cabashooyin ay ka qabbeen xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ugu gudbiyaan wakiilada beesha caalamka ee Somaliland ka taageera dimuqraadiyadda intooda safaaradaha ku leh dalka Jabuuti.

Sida ka muuqata hadalka safiirka Maraykanka ee Jabuuti, waxa la gaadhsiiyay cabashooyin ku saabsan inaan meelaha qaarkood doorashada si wanaagsan loo maamulin, iyadda oo waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha Salal ka hor inta aanay taggin Jabuuti ay sheegeen in goobo badan oo Lughaya ka mid tahay ay ka dhacday ku shubasho baahsan oo xukuumaddu samaysay si xisbigeeda Kulmiye ay codad badan ugu hesho, iyagga oo si gaar ah farta ugu fiiqay Madaxwayne ku xigeenka oo maalintii doorashadu dhacaysay ku sugnaa Lughaya oo rabshado ka dhaceen.

Hadalka Safiirka Maraykanka ah ee ah inay gaadheen cabashooyinka maamul xumadda doorashadda ayaa muujinaysa in cida gaadhsiisay ee warkaasi ee xukuumadda ka dacwaysay Maraykanku ay yihiin guddidii beesha Salal u dirteen Jabuuti.

Source:Waaheen
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo
Proff.Axmed Ismaacil Samatar Jaaliyada Soomaaliyeed ee magalada Oslo kula kulmay Jaamacada Oslo..(Sawiro)
Openion / Fikrada
'Ninna dhuunibuu kuu dhex joogaa; Ninna dhaqashuu kuugu dhabar Jabay'
MUWAADIN/MUWAADINAD 1$ UGU TABARUC WADDADA BOORAME IYO HARGEYSA ADIGA I...
TOLNIMO WAA DUGSIYE YAAN LA ISU KEEN DIRIN
Bulshooy codkaagii ma kootiyo wareegto la eedo buu dhalay!
Congratulations to AMAAL Xaaji A. Miisaan
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ...
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s phil...
Message To Awdal People (Conference in Minesota) By: Dr Mohamed-Rashid
Taageerada Sangub ee KULMIYE waa haad geed waayey iyo riwaayadiisii .Xuu...
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.