Berbera (SNN)- Ururka Midowga Yurub ayaa siinaya Somaliland lacag mucaawino malaayiin dollar ah si ay kor loogu qaado wax-soo-saarka khayraadka badda, gaar ahaan dhinaca kulluumaysiga oo ah mid aad u hooseeya bulshada dhexdeeda.
Midowga Yurub waxa uu sheegay in sannadka soo socda ee 2013 ay bixin doonaan lacag dhan $6.5 milyan (lix iyo badh milyan oo dollar) si looga caawiyo Somaliland qorsheheeda dheer ee inay la soo baxdo 120,000-ka tan ee cuntada badda ku jirta sannad walba, taas oo laga macaashayo lacag dhan $1.2 bilyan oo dollar oo dibada ka soo gasha.
Warkan oo lagu baahiyey shabakadda Qaramada Midoobay ee IRIN, waxa lagu sheegay in mucaawanadani qayb ka tahay qorshe ballaadhan oo Midowga Yurub ku horumarinayo xeebaha dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay halakaysay budhcad-badeednimadu, halka xeebta dekedda Berbera ee Somaliland ay qurxiyeen doonyaha ku sugan biyaha agagaarkeeda.
“Waxaannu filaynaa inay badda ku jiraan khayraad aad u badan oo ku habboon in la isticmaalo iyo in la dhoofiyo kalluunkaba.” Sidaa waxa tidhi madaxa Horumarinta Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya haweenay la yidhaa Isabel Faria de Almedia.