Navigation
Home
Photo Galery
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
The Kroax
Rayo Tv
Random Media





Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha da’da yar ee madasha akhriska ee maskaxmaal mudane “C/laahi Xuseen Caateeye”
Waraysi Aad U Xiiso Badan Oo Aanu Layelanay Abwaan Weyn Mowliid Aden Qol Qol Qaybtii Koowaad.
Wareysi Aan La Yeelanay maamulaha markiska Salaaxudiin Islaamic Center Sh.cumar Axmed Cumar.
Wareysi Aan La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Shaybaadhka Ee Jamacada Caamuud Dr:maxamed Da'ud.
Wareysi Aanu La Yeelanay Maamulaha Dugsiga Sare ee Ubaya Binu Kacab Mustafe Muxumed Alabari.
Wareysi Aani La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ee Jaamacada Camuud Prof: Yurub C/raxman Muumin.
DR. Ali Sheikh Ahmed Abubakar(Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho) oo aan la yeelanay waraysi khaas ah .Q1aad,

No News
,
Dawladda Koonfurta Sudan oo ku Tilmaantay Dahabshiil Mashiinka Maaliyadda Qaaradda Afrika

Wasiirka Maaliyadda ee dalka Koonfurta Sudan Mr. Kosti Manibe Ngai, ayaa waraysi uu siiyey Telefishanka Africa24 ee xaruntiisu tahay dalka Tanzania ku ammaanay Bangiga iyo xawaaladda DAHABSHIIL oo uu ku tilmaamay mucjiso weji cusub u yeelay nidaamkii baananka iyo maaliyadda ee qaaradda Afrika.

Mr. Manibe Ngai wuxuu sheegay in Bangiga iyo Xawaaladda Dahabshiil oo hadda ka shaqeeya dalka Koonfurta Sudan ay isticmaalaan badiba dadka dalkaasi, isla markaana jaaliyadda Koonfurta Sudan ee dunida daafaheeda joogta ay lacagaha u soo mariyaan Xawaaladda Dahabshiil dadka ku nool gudaha koonfurta Sudan.

Waxa kale oo Wasiirku xusay in dawladdiisu hadda ka fiirsanayo in ay siiyan DAHABSHIIL ruqsad ay si rasmi ah gudaha dalka Koonfurta Suudaan uga furtaan Bangi caalami ah oo dawladdu u isticmaasho keydka lacagaha salliidda uga soo xarooda.

Mr. Manibe Ngai wuxuu tilmaamay in ay muddo daraasadaynayeen qaabka iyo nidaamka uu DAHABSHIIL u adeegto “Waxay nagu noqotay layaab, waxaannan odhan karaa waa mucjisada dhalan-rogay qaabkii hay’adaha maaliyadda Afrika u shaqaynayeen, waana fikir ka soo mudhay maskax caqli badan oo Afrika ah.”

“Maanta waxaynu ka war haynaa in badiba baananka iyo shirkadaha maaliyadda ee Afrika ku shaqeeyaan daymaha iyo lacagaha ay dalalku bixiyaan, laakiin waxaannu la yaabnay markaannu aragnay shariikad ay aasaaseen qoys ka soo jeeda Soomaaliya oo gaadhay heer aan shiling dayn ah lagu lahayn, waxaannu la yaabnay qaabka aaminnada ah ee ay daqiiqado gudahood ugu maareeyaan inay kala xawilaan boqolaal malyuun oo dollar iyadoo aanay jirin wax khalad ah oo dhacay,” ayuu yidhi Mr. Manibe Ngai.

Wasiirka Maaliyadda Koonfurta Suudaan waxa uu sheegay in dawladdiisu fursad u siin doonto shirkadda DAHABSHIIL sidii ay uga caawin lahayd shirkadaha yaryar ee maaliyadda dalka koonfurta Sudan si ay aqoon uga bartaan, isla markaana ay samayn doonaan qaab ay ku wada shaqaynayaan DAHABSHIIL iyo Bangiga dhexe ee dalka Koonfurta Sudan.

Dalka Koonfurta Sudan oo ah dal curdin ah oo dhawaan madaxbannaanidiisa ka helay Sudan-ta kale, ayaa dadkiisu gaadhayaan 11 Malyuun oo qof, waana dal ku qanni ah shidaalka oo ay sannadkii iibkiisa ka helaan lacag dhan 9.5 Bilyan oo dollarka Maraykanka ah, iyadoo dhawaana la filayo in ceelal cusub oo batrool iyo gaas ah laga qodo dalkaasi.

Bangiga iyo Xawaaladda DAHABSHIIL ayaa ka soo bilaabmay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ka hor muddo hadda 30 sannadood ku dhaw, waxaanna aas-aasay Maxamed Siciid Ducaale, kadibna shirkaddu waxay noqotay hawlbawlaha keliya ee dadka Soomaaliyeed dhaqaaluhu u soo maro 21kii sanno ee ugu dambeeyey.

Dahabshiil oo lagu bilaabay qaabka isku gudbintaq lacagaha dadweynaha, ayaa dhawr sanno ka hor ka helay ruqsadda baananka dalka Jibouti, waana sharikadda Keliya ee Qaaradda Afrika ka diiwangashan, kana hawlgasha ku dhawaan 200 dal oo dunida ah.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in sannadkiiba DAHABSHIIL ay maamusho oo kala xawisho lacago qadarkeedu ku dhaw yahay 1 Bilyan oo dollarka Maraykanka ah, muddada 20-ka sannadood ah ee shirkaddu shaqaynaysay ayaan weli la arag wax cabasho ama khalad weyn oo maaliyadeed.

Dalalka Soomaaliya, Somaliland, Djibouti, Kenya iyo Ethiopia ayaa u isticmaala shirkadda DAHABSHIIL qaab Baan ahaan oo kale, iyadoo dad lagu qiyaasay 3 Malyuun oo Soomaali ahina ay sannad kasta ku xawilaan sanduuq xisaabeedyada shirkadda oo u shaqaysa qaab ka casrisan baananka dhexe ee dalalkaasi lana socota suuqyada sarifka lacagaha dunida.

DAHABSHIIL ayaa ah shirkadda keliya ee asalkeedu yahay Soomaali ee ka diiwangashan hay’adaha FSA (Financial Service Authority) oo maamusha Baananka ugu waaweyn qaaradda Yurub, ahna hay’adda maamulka shariikadaha maaliyadda ee dalka Ingiriiska.

Sicirka xawilaadda lacagta ee shirkadda DAHABSHIIL ayaa shan jeer in ka badan ka yar marka loo eego siciradda shariikadaha tartanka kula jira sida Western Union, Money Gram iyo Speed Cash oo ah shirkad bangiga American Express uu leeyahay, waana taasi ta keentay in malaayiin qof ay ku raaxaystaan sicirka jaban iyo xawilaadda degdega ah.

Haddii shirkadda DAHABSHIIL ka hesho ruqsad dalka Koonfurta Sudan waxay u noqonaysa fursad weyn oo ay ku ballaadhin karto hawlaheeda maaliyadeed, iyadoo u noqon karta udub-dhexaad dal dadkiisu yahay 10 malyuun oo qof oo qani ku ah saliidda.






Salalnews.com/Hargeysa
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo
Proff.Axmed Ismaacil Samatar Jaaliyada Soomaaliyeed ee magalada Oslo kula kulmay Jaamacada Oslo..(Sawiro)
Openion / Fikrada
'Ninna dhuunibuu kuu dhex joogaa; Ninna dhaqashuu kuugu dhabar Jabay'
MUWAADIN/MUWAADINAD 1$ UGU TABARUC WADDADA BOORAME IYO HARGEYSA ADIGA I...
TOLNIMO WAA DUGSIYE YAAN LA ISU KEEN DIRIN
Bulshooy codkaagii ma kootiyo wareegto la eedo buu dhalay!
Congratulations to AMAAL Xaaji A. Miisaan
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ...
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s phil...
Message To Awdal People (Conference in Minesota) By: Dr Mohamed-Rashid
Taageerada Sangub ee KULMIYE waa haad geed waayey iyo riwaayadiisii .Xuu...
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.