Navigation
Home
Photo Galery
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
The Kroax
Rayo Tv
Random Media





Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha da’da yar ee madasha akhriska ee maskaxmaal mudane “C/laahi Xuseen Caateeye”
Waraysi Aad U Xiiso Badan Oo Aanu Layelanay Abwaan Weyn Mowliid Aden Qol Qol Qaybtii Koowaad.
Wareysi Aan La Yeelanay maamulaha markiska Salaaxudiin Islaamic Center Sh.cumar Axmed Cumar.
Wareysi Aan La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Shaybaadhka Ee Jamacada Caamuud Dr:maxamed Da'ud.
Wareysi Aanu La Yeelanay Maamulaha Dugsiga Sare ee Ubaya Binu Kacab Mustafe Muxumed Alabari.
Wareysi Aani La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ee Jaamacada Camuud Prof: Yurub C/raxman Muumin.
DR. Ali Sheikh Ahmed Abubakar(Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho) oo aan la yeelanay waraysi khaas ah .Q1aad,

No News
,
Guurtida iyo SONSAF oo u Ballamay inay ka Hawlgalaan Xallinta Tabashooyinka ka Dhashay Natiijadii Doorashada
Hargeysa 20 Dec 2012 (SNN)- Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland iyo dalladda midaysa ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF, ayaa shir yeesheen iskula qaatay inay si wadajir ah uga hawlgalaan xallinta tabashooyinka ka dhashay natiijadii doorashada golayaasha degaanka ee 28-kii bishii November dalka ka qabsoontay.

Guddiga Joogtada ee aqalka odayaasha iyo xubno ka mid ah hoggaanka iyo guddiga sare ee SONSAF ayaa kulan ay ku yeesheen shalay xarunta Guurtida kaga wadahadlay murannada ka dhashay natiijada hordhaca ah ee Komishanka Doorashooyinku ka soo saareen doorashadii dalka ka qabsoontay iyo sida loo xallin karo, iyadoo muhiimada kowaad la siinayo ilaalinta nabadgelyada dalka.

Kulankaas oo intii uu socday albaabadu u xidhnaayeen, ayaa markii uu dhammaaday labada dhinac warbaahinta uga warrameen waxyaabaha kaga wadahadleen iyo natiijada ka soo baxday oo ay sheegeen inay u ballameen sidii wadajir uga hawlgeli lahaayeen daminta khilaafaadka taagan ee natiijada doorashadu sababtay.

Guddoomiyaha Dalladda SONSAF Mr. Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay in Golaha Guurtida Somaliland oo dhidibada u taagay nabadda dalka ee muddada ka badan labaatanka sanno la hadhsanayey u doorteen inay wadatashi kala yeesheen xaaladda waqtigan taagan ee doorashadii kadib.

“Ujeeddada aannu ugu nimi waxay ahayd in aannu odayaasha Guurtida xog iswaydaarsanno, waayo iyaguna xog iyo hawl bay hayeen annagu sidoo kale xog iyo hawl baanu haynay kadib, ka hor iyo intii doorashadu socotayba. Waxa kale oo aannu isugu nimi nabaddeena sidii loo xoojin lahaa, maanta doorashadii kadib tabashooyin badan ayaa jira oo waxa soo baxay qalaanqal dhinaca nabadda la xidhiidha, arrintaasi sidii si wadajir ah looga hawlgeli lahaa oo cidda waxtabanaysana loola fadhiisan lahaa. Waxaannuna isla qaadanay in maalmaha soo socda aannu wada shaqayno oo aannu arrintaa ka wadahawlgalno,” ayuu yidhi Mr. Aadan Xaaji Cali.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ee Guurtida Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe), ayaa sheegay in guddiga SONSAF ay isku afgarteen talo ay ka yeesheen sidii wax looga qaban lahaa cabashooyinka doorashada kadib.

“Taladaanu isugu nimi waxay ahayd maxaynu nidhaahnaa shacabka, ururkii XAQSOOR ee cadhooday aynu ku horreyno, kadibna xukuumadda aynu is aragno oo aynu wada shaqayno ayey ahayd, waxaannu doonaynaa in ninkii cadhooday uu damiyo oo uu qaranimada ka raaco, taladayadu wixii ay noqotana waanu ula iman dhinacyadaasi oo in nalaga aqbalo aannu Alle ka baryeyno,” ayuu ku soo koobay hadalkiisa Xaaji Cabdi-waraabe.






Salalnews.com/Hargeysa
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo
Proff.Axmed Ismaacil Samatar Jaaliyada Soomaaliyeed ee magalada Oslo kula kulmay Jaamacada Oslo..(Sawiro)
Openion / Fikrada
'Ninna dhuunibuu kuu dhex joogaa; Ninna dhaqashuu kuugu dhabar Jabay'
MUWAADIN/MUWAADINAD 1$ UGU TABARUC WADDADA BOORAME IYO HARGEYSA ADIGA I...
TOLNIMO WAA DUGSIYE YAAN LA ISU KEEN DIRIN
Bulshooy codkaagii ma kootiyo wareegto la eedo buu dhalay!
Congratulations to AMAAL Xaaji A. Miisaan
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ...
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s phil...
Message To Awdal People (Conference in Minesota) By: Dr Mohamed-Rashid
Taageerada Sangub ee KULMIYE waa haad geed waayey iyo riwaayadiisii .Xuu...
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.