Navigation
Home
Photo Galery
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
The Kroax
Rayo Tv
Random Media





Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha da’da yar ee madasha akhriska ee maskaxmaal mudane “C/laahi Xuseen Caateeye”
Waraysi Aad U Xiiso Badan Oo Aanu Layelanay Abwaan Weyn Mowliid Aden Qol Qol Qaybtii Koowaad.
Wareysi Aan La Yeelanay maamulaha markiska Salaaxudiin Islaamic Center Sh.cumar Axmed Cumar.
Wareysi Aan La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Shaybaadhka Ee Jamacada Caamuud Dr:maxamed Da'ud.
Wareysi Aanu La Yeelanay Maamulaha Dugsiga Sare ee Ubaya Binu Kacab Mustafe Muxumed Alabari.
Wareysi Aani La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ee Jaamacada Camuud Prof: Yurub C/raxman Muumin.
DR. Ali Sheikh Ahmed Abubakar(Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho) oo aan la yeelanay waraysi khaas ah .Q1aad,

No News
,
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Amarkii Diyaaradda Muqdisho tagaysay lagaga reebay ku xidhiidhiyey marwada madaxweynaha
Hargeysa(SNN)-Guddoomiye xigeenkii hore ee xisbiga KULMIYE md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay qorshe ay hay’adaha ammaanka Somaliland shalay kaga reebeen diyaarad uu u raacayay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.

Hay’adaha ammaanka ayaa shalay diyaaradda Juba oo ka kacaysay madaarka Berbera ka reebay siyaasigan Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo wasiirkii ciyaaraha ee xukuumadii UDUB Md. Maxamuud Siciid Maxamed, waxaanay labadooduba si rasmi ah uga hadheen diyaaradaas oo ay u raacayeen magaalada Muqdisho. Haddaba, waxa uu Wargeyska Geeska Afrika xalay arintan wax ka weydiiyay Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, waxaanu go’aanka diyaaradda lagaga reebay ku eedeeyay wasiirka arrimaha gudaha Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo uu Cabdiraxmaan sheegay inay isna soo amartay marwada Madaxweyne Siilaanyo Marwo Aamina-weris Maxamed Jirde.

Ugu horayn isagoo ka hadlaya go’aanka diyaaradda lagaga reebay wuxuu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir yidhi, “Waa dhab oo maanta ( Shalay ) ayaan dhoofayay oo waxaan ku qornaa diyaarada Juba la yidhaahdo, markaas meesha waan tagay oo shaqaalihii meesha joogayna si wanaagsan ayay iila dhaqmeen waraaqiina degdag ayay iigu dhameeyeen, mar danbe oo diyaaradii isa soo taagtay ayaa ay madaxdii meeshu ii yimaadeen oo ay yidhaahdeen warbaanu sirdoonkii ka helnay oo waxay yidhaahdeen ninkaasu ma dhoofi karo.”

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, wuxuu amarka dib u soo celintiisa ku eedeeyay madaxtooyada, gaar ahaana wuxuu sheegay in wasiirka arrimaha gudaha laga soo xigtay inay marwada madaxweynuhu amar ku bixisay in diyaaradda laga reebo, “Sidaan meesha ka fahmayna waxa laygu yidhi warkaas waxa soo bixiyay wasiirka daakhiliga, markii wasiirka daakhiliga iyo wasiiro kale la waraystayna waxa la yidhi arintan madaxtooyada ayay ka timid oo wasiirka daakhiligu waxa uu ku dacwooday marwada madaxweynaha ayaa aniga I soo fartay in diyaaradda laga reebo, wali iyagii ayaa isku mashquulsan oo meel ay ku tiiriyaan waa ay la’yahiin, meel ay arintaasu fadhiisan doontana garan maayo.”

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo la weydiiyay bal waxa uu aaminsanyahay in xanibaadiisa sabab looga dhigay, wuxuu yidhi “Taas Somaliland oo dhan ayaa is weydiinaysa oo anigu sir dawladeedna ma hayo wax siyaasad ahna umaan socon ee waxaan u socday arrimo ganacsi oo guryahayagii ku saabsanaa, horena waan u tagay oo waanigii warbaahinta idiinka waramay, arinkii uun baan soo dhamaynaayay, horena waan u sheegay oo anigu nin reer Somaliland ah ayaan ahay, talada Somaliland qaadato anigu rayi kasta aan qabee ayuun baan kamid ahay ee anigu wax aan gooni u samaynayaa ma jirto, waanan ka digay oo waxaan idhi inaynu kala biiq-biiqno oo aynu kala tagtagno laga wanaagsan, ee aynu talo wanaagsan ka samayno oo aan ka tashano dabadeedna aan meel isugu lugo duwano waxaynu ku go’nay inaga oo midaysan.”

Mar la weydiiyay inuu wax xidhiidh ah xanibaadiisa kala sameeyay madaxtooyada, oo inkastoo aanay imika isku wanaagsanayn haddana wakhtiyadii uu KULMIYE mucaaradka ahaa uu xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyay, waxaanu ku jawaabay “Imika wax xidhiidh ah oo naga dhaxeeya habayaraatee ma jirto, laakiin dad aanu asxaab nahay imikadan waa ay ku maqan yahiin oo waa ay waraysi maqan yahiin, markaas haddaan soo helo wax iqanciyana arinta halkaas ayaan ku dhaafi haddii aan waayana mawqif aad u adag ayaan ka qaadan doonaa.”

Geesta kale, wuxuu Wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu dhinaciisa la xidhiidho wasiirka arrimaha gudaha laakiin nooma ay suurtogelin.



Salalnews Desk
Oslo Norway
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo
Proff.Axmed Ismaacil Samatar Jaaliyada Soomaaliyeed ee magalada Oslo kula kulmay Jaamacada Oslo..(Sawiro)
Openion / Fikrada
'Ninna dhuunibuu kuu dhex joogaa; Ninna dhaqashuu kuugu dhabar Jabay'
MUWAADIN/MUWAADINAD 1$ UGU TABARUC WADDADA BOORAME IYO HARGEYSA ADIGA I...
TOLNIMO WAA DUGSIYE YAAN LA ISU KEEN DIRIN
Bulshooy codkaagii ma kootiyo wareegto la eedo buu dhalay!
Congratulations to AMAAL Xaaji A. Miisaan
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ...
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s phil...
Message To Awdal People (Conference in Minesota) By: Dr Mohamed-Rashid
Taageerada Sangub ee KULMIYE waa haad geed waayey iyo riwaayadiisii .Xuu...
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.