Navigation
Home
Photo Galery
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
The Kroax
Rayo Tv
Random Media





Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha da’da yar ee madasha akhriska ee maskaxmaal mudane “C/laahi Xuseen Caateeye”
Waraysi Aad U Xiiso Badan Oo Aanu Layelanay Abwaan Weyn Mowliid Aden Qol Qol Qaybtii Koowaad.
Wareysi Aan La Yeelanay maamulaha markiska Salaaxudiin Islaamic Center Sh.cumar Axmed Cumar.
Wareysi Aan La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Shaybaadhka Ee Jamacada Caamuud Dr:maxamed Da'ud.
Wareysi Aanu La Yeelanay Maamulaha Dugsiga Sare ee Ubaya Binu Kacab Mustafe Muxumed Alabari.
Wareysi Aani La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ee Jaamacada Camuud Prof: Yurub C/raxman Muumin.
DR. Ali Sheikh Ahmed Abubakar(Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho) oo aan la yeelanay waraysi khaas ah .Q1aad,

No News
,
Madaxweyne Siilaanyo oo Hargeysa ka Furay Warshad Baahi Wayn loo Qabay

Hargeysa 05 Jan 2012 (SNN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xadhigga ka jaray shalay warshad baahi wayn loo qabay oo soo saari doonta buugaagta wax lagu qoro oo laga hirgeliyey caasimadda.

Warshaddan oo loo bixiyey AADCO Papers Factories oo uu hindisay ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan-baradho) oo galiyey lacag malaayiin doollarka Maraykanka ah, lagana dhisay xaafadda New Hargeysa ee bariga caasimadda, waxa loogu talogalay in ay soo saarto qaybaha buugaagta waxbarashada lagu qoro oo hore dibaha looga soo waaridi jiray, iyadoo maalintii soo saari doonta 70 kun oo buug oo ay farsamaynayaan mashiinno dhawr ah oo mid waliba samaynayo qayb ka mid ah min waraaqaha ilaa bacda lagu dhejiyo jaldiga dushiisa, kadibna isugu xidhxidhaya daraasiin.

Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey furitaanka warshaddaasi oo lagu qabtay xarunteeda, waxa ka qaybgalay Madaxweyne Siilaanyo, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cirro, Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi, wasiirro xukuumadda ka tirsan, xildhibaanno ka kala socday golayaasha Baarlamanka, ganacsato iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Warshadda AADCO Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ugu horreyn munaasibada ka hadlay, ayaa ka warramay qaybaha warshaddu ka kooban tahay iyo heerarkii ay soo martay ilaa sannadkii 2009-kii oo uu sheegay inuu bilaabay hawlaheeda, isla markaana muddada intaasi le’eg ay keeneen xaaladaha adag ee burburkii dalka gaadhay sababay in aan si fudud warshado looga hirgelin karin ilaa wax kasta oo warshadi u baahan tahay dibadda laga keeno.

Xaaji Aadan-Baradho waxa uu xusay in dawladdu si buuxda uga taageertay wixii karaankeeda ah oo ay ugu horreyso cashuur-dhaaf loo sameeyey qalabka warshadda ee dibadda laga soo iibiyey, “Ku talogalka mashruucani waxa weeye in wixii baahi waraaqeed ah ee dalku baahan yahay iyo dalalka jaarka ahba inuu daboolo Isha Allaah, si taa loo helo waxaannu u qaybinay dhawr weji, markaa wejigan kowaad ee aynu maanta (shalay) furaynaa waxa weeye qaybta samaynaysa buugaagta wax lagu qoro ee ardaydu waxbarashada ku dhigato, wejiga labaad oo aannu dhawaan rakibi doono wuxuu noqonayaa waraaqaha xafiisyada lagaga shaqeeyo sida nooca A4 iyo wixii la mid ah, wejiga saddexaad waxa noo qorshaysan in aannu waraaqaha halkan ku samayno oo aynu ka maaranno dibadda laga keenayo, taas oo inoo yeelanaysa laba faa’iido oo mar lacagtii aannu waraaqaha ku soo iibsanaynay way noo baaqanaysaa, marka labaadna waxay inaga caawinaysaa xagga qashinka oo karaantoonta wax lagu keeno ee suuqyada ka buuxda ayaa la ururinayaa oo dib loo warshadaynayaa si waraaqo looga dhigo. Nasiib-wanaag warshadani waxay la saaxiib tahay degaanka oo mid waxyeelaysa maaha, waayo qiiq hawada wasakheeya ma laha, guux dadku ku toosinaya ma laha, waxyaabo kiimikana ma isticmaalayso,” ayuu yidhi Xaaji Aadan Axmed Diiriye.



Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xadhigga ka jaray warshadaasi, soo kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay, ayaa hadal kooban uu munaasibadda ka jeediyey ku bogaadiyey ganacsadaha warshadaasi hirgeliyey oo uu xusay inuu ka midho-dhaliyey hirgelinta baahi dalka taalay.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in warshadaynta dalka oo ay hormood u noqdaan ganacsatada iyo dadka hal-abuurka ahi ay aasaas u noqonayso kobinta dhaqaalaha, waxaannu ballanqaaday in dawlad ahaan ay diyaar u yihiin dhiirigelintooda, “Dalkeenu wuxuu weli ku jiraa dariiqii horumarka, waa dal u baahan warshadayn iyo inuu sameeyo horumar dhinac kasta oo horumarinta dhaqaalaha dalka ah inuu ku yeesho oo tallaabooyin cadcad ka qaado, taasna dadka maalqabeenka ah iyo dadka hal-abuurka leh ayaa had iyo goor ummadaha horkaca horumarintooda iyo hal-abuurka ay la yimaadaan, kuwaasina waxay u baahan yihiin dhiirigelin iyo in wixii loo qaban karo loo qabto oo loo mahadnaqo, annaguna haddii aannu dawladda nahay mar walba waxaannu diyaar u nahay in wax alla wixii tallaabo ah ee horumarin iyo dhiirigelin ah ama wax la qabasho ah la qabato,” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Madaxweynuhu.





Salalnews.com/Hargeysa
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo
Proff.Axmed Ismaacil Samatar Jaaliyada Soomaaliyeed ee magalada Oslo kula kulmay Jaamacada Oslo..(Sawiro)
Openion / Fikrada
'Ninna dhuunibuu kuu dhex joogaa; Ninna dhaqashuu kuugu dhabar Jabay'
MUWAADIN/MUWAADINAD 1$ UGU TABARUC WADDADA BOORAME IYO HARGEYSA ADIGA I...
TOLNIMO WAA DUGSIYE YAAN LA ISU KEEN DIRIN
Bulshooy codkaagii ma kootiyo wareegto la eedo buu dhalay!
Congratulations to AMAAL Xaaji A. Miisaan
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ...
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s phil...
Message To Awdal People (Conference in Minesota) By: Dr Mohamed-Rashid
Taageerada Sangub ee KULMIYE waa haad geed waayey iyo riwaayadiisii .Xuu...
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.