Navigation
Home
Photo Galery
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
The Kroax
Rayo Tv
Random Media





Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha da’da yar ee madasha akhriska ee maskaxmaal mudane “C/laahi Xuseen Caateeye”
Waraysi Aad U Xiiso Badan Oo Aanu Layelanay Abwaan Weyn Mowliid Aden Qol Qol Qaybtii Koowaad.
Wareysi Aan La Yeelanay maamulaha markiska Salaaxudiin Islaamic Center Sh.cumar Axmed Cumar.
Wareysi Aan La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Shaybaadhka Ee Jamacada Caamuud Dr:maxamed Da'ud.
Wareysi Aanu La Yeelanay Maamulaha Dugsiga Sare ee Ubaya Binu Kacab Mustafe Muxumed Alabari.
Wareysi Aani La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ee Jaamacada Camuud Prof: Yurub C/raxman Muumin.
DR. Ali Sheikh Ahmed Abubakar(Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho) oo aan la yeelanay waraysi khaas ah .Q1aad,

No News
,
Shirkadda Isgaadhsiinta SOMTEL oo Tijaabisay Barmaamuj si Toos ah ay ugu Baahin Doonto Ciyaaraha Gobollada Somaliland
Hargeysa 06 Jan 2013 (SNN)- Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Somtel, ayaa tijaabisay barnaamij dhinaca Internetka ah oo si toos ah ay ugu baahin doonto ciyaaraha gobollada Somaliland ee dhawaan la filayo inay Hargeysa ka qabsoomaan.

Barmaamujkan oo ah mid loogu talogalay in hay’adaha saxaafaddu wararka ciyaaraha gobollada si toos ah ugu tebin karaan xarumahooda, waxa uu telefishannada u sahlayaan inay weriyayaashu si toos ah xarumahooda ugu xidhmaan iyagoo jooga meel ka fog goobta baahinta sida telefishannada caalamka.

Shir jaraa’id oo lagu shaaciyey barmaamujkaasi oo shirkadda SOMTEL ku qabtay xaruntooda dhexe ee magaalada Hargeysa, kana qaybgaleen Maareeyaha shirkadda Somtel Mr. Cawil Saalax Cabdi, madaxa Iibka iyo Suuqgeynta Iid Muuse Muxumed, Maareeyaha TV-ga Qaranka Khadar Xasan Cali iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulka iyo shaqaalaha shirkadda Somtel.

Madaxa xafiiska Suuqgeynta iyo Iibka ee shirkadda Somtel Iid Muuse Muxumed oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay, ayaa isagoo sharraxaya barmaamujka ay bilaabeen waxa uu yidhi, “Barmaamujkani waxa uu hordhac u yahay oo aannu ugu talogalay inay bulshada reer Somaliland iyo kuwa kale ee caalamka joogaaba si toos ah ugala socdaan baahinta shirkadda Somtel iyo TV-ga qaranka oo aanu iska kaashanayno waana tijaabadii ugu hooreysay.
Shirkadda Isgaadhsiinta Somtel waxay dadweynuhu uga barteen sidii ay uga haqab-beelilahaayeen ciyaaraha iyo arrimaha kale ee khuseeya bulshada ee la mid ah.”

Waxa kaloo Mr. Iid sheegay in shirkadda SOMTEL xoogga saarayso sidii uu barmaamujkaasi u najixi lahaa ee uu u raaligelin lahaa guud ahaan dadka xiiseeya ciyaaraha.



Maareeyaha TV-ga Qaranka Somaliland Mr. Khadar Xasan Cali Gaas oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa si farxad leh u soo dhaweeyey in telefishankiisu ku baahiyo ciyaaraha barmaamujkan, isagoo uga mahadceliyey shirkadda SOMTEl tallaabada ay qaaday, “Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa shirkadda Somtel oo noo fududayn doonta baahinta tooska ah ee tartanka ciyaaraha gobolladda ee dhawaan ka dhici doona caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Mr. Gaas.

Maareeye Gaas waxa uu sheegay inay telefiishan ahaan dhinacooda u diyaargaroobeen tabinta ciyaaraha, waxaannu yidhi, “Annagu ka TV ahaan waxaannu u diyaargarownay sida shirkadda Somtel oo kale ugu diyaargarowday, waxaannan sare u qaadnay tayada muuqaallada sawirrada aannu baahin doono oo halkii uu markii hore ka ahaa barnaamijka lagu qiimeeyo tayada muuqaalka Telefeeshinka hadda waxaannu ka dhignay laba iyo badh, waxaanan rajaynaa inuu TV-ga Qaranku noqon doono ka ugu muuqaalka wacan TV-yada ku hadla afka Soomaaliga. Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa maamulka iyo shirkadda Somtel oo waxbadan naga caawisay qalabka aannu ku shaqayno lacag badana galisay tayaynta qalaka TV-ga qaranka.”

Ugu dambayn Maareeyaha shirkadda Somtel Mr. Cawil Saalax Cabdi oo gunnaanaday shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay in sababta shirkadoodu barmaamujkan u samaysay tahay dhiirigelinta ciyaaraha oo kaalin wayn ka qaata horumarinta bulshada.

“Ciyaaruhu waxay kaalin mug leh ka qaataan horumarka bulshada sida isbarashada, dhaqaalaha hawlaha hadda socdaana waxay caawinayaan arrimaha dadka reer Somaliland. Dhallinyarada Somaliland waxaan leeyahay waxaad haysataan waxaad tusaale ka dhigataan oo aad dhexdiina iskaga dayataan ciyaaraha intii aad ku dayan lahaydeen kuwa aydaan aqoonin oo u dhashay waddamo kale oo shisheeye ah,” ayuu yidhi Maareeyaha shirkadda SOMTEL Mr. Cawil Saalax Cabdi.




Salalnews.com/Hargeysa
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo
Proff.Axmed Ismaacil Samatar Jaaliyada Soomaaliyeed ee magalada Oslo kula kulmay Jaamacada Oslo..(Sawiro)
Openion / Fikrada
'Ninna dhuunibuu kuu dhex joogaa; Ninna dhaqashuu kuugu dhabar Jabay'
MUWAADIN/MUWAADINAD 1$ UGU TABARUC WADDADA BOORAME IYO HARGEYSA ADIGA I...
TOLNIMO WAA DUGSIYE YAAN LA ISU KEEN DIRIN
Bulshooy codkaagii ma kootiyo wareegto la eedo buu dhalay!
Congratulations to AMAAL Xaaji A. Miisaan
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ...
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s phil...
Message To Awdal People (Conference in Minesota) By: Dr Mohamed-Rashid
Taageerada Sangub ee KULMIYE waa haad geed waayey iyo riwaayadiisii .Xuu...
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.