Home Opinion-Fikrado Somali Music Forum Contact Us September 09 2010 05:42:39
Navigation
Home
Photo Galery
Salal Videos
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
Random media






Hees Cusub oo Loogu Talagalay Geb Secondary School Codkii Fanaanka Weyn Saliim Saciid Saliim
Wareysi Aanu La Yeelanay Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cali Xaamud Jibriil
Wareysi Khaas ah oo aanu la yeelanay Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Awdal Md:Maxamed Dahir Cabdalla. .
Wareysi aanu La yeelanay Afhayeenka Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal Axmed Muxumad Dacar.
Wareysi aanu La yeelanay Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal Amaal Xaaji Axmed Miisaan
Taariikh Nololedki Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo)
Waraysi Aanu La Yeelanay Xog-hayaha Arrimaha dibada ee Kulmiye oo ka Waramay guusha Doorashada Somaliland.
Weriye Bashkas Jug soo dhacay Oo ka Waramay Doorashada Somaliland
Wareysi Khaas ah oo aanu la yeelanayAbwaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Maxamuud C/laahi Ciise(Sangub)Qaybtii 1 & 2.

Ciisuhu ma leeyahay Suldaan?‏
Hordhac. Ugaas,Boqor,Garaad iyo Malaaqba waxay ahaan jireen hogaamiye dhaqameedyadii xakumi jirey bulshada iyo qabaailka Somaliyeed intii aanay soo gaadhin geska Africa ama dhulka Somalidu degto dawladii Cusmaaniyiinta ee Turkiga taasi oo dardar cusub iyo horumar balaadhan oo la taabankaro u horseeday Ugaasyadii ay ugu yimaadeen dhulka Somalidu degto oo ay ka mid ahayd Zeiylac.

Markii uu gumaysiga ingriisku ka gacan roonaday dawladii Cusmaaniyiinta ayuu wiiqay dhamaan quwadihii Ugaasyada ama garaadadii la xulafo ahaa dawladaasi Turkiga ahayd ee Cusmaaniyiinta taasi ayaan odhan karnaa sababta aanay maanta awood sidaasi ah u lahayn Ugaasyadu ama Garaadadu, islamarkii uu gumaysigii jabiyey dawladii Cusmaaniyiintu ayuu u gacan galiyey xakunkii Salaadiin ama siyaasiyiin ay tamabareen iyo waliba ku darso oo askar milatari ah oo ay ku anqariyeen nidaamkii ay wateen markaasi ee ka duwanaa kii dawladii Turkiga ee Cusmaaniyiinta ilaa maantaadaasi aan joogno waxaa hogaanka shacabka haya Suldaan iyo siyaasiyiintii ka hadhay gumaystayaashii kala duwanaa ha ahaado

Madaxweyne,Kornayl,General,Gaashaanle sare,Gaashaanle dhexe,Wasiir,Xillibaan,Badhasaab ama Maayer sidaasi daraadeed ayaa dadka qaarkii wali ugu dhaganyihiin qaabkii ugaasnimada waxayse isla waayeen laba arimood oo wali is qaban waayey waa ta kowaade shacabkii oo ka hoos baxay ugaasyada una hanqaltaagaya noloshan cusub ee uu horseedka ka yahay gumaysigii aynay wali ku socdaan dariiqyadii uu u jeexay ingiriiska ama Fransiisku waxan la ilaawi karayn Talyaaniga iyo Fransiisku sida ay u dhalan rogeen dhulkii Somalida ee ay gumaysan jireen waa Djabouti ama Koonfurta Somaliya taasi ayey wali qabiilka Ciisuhu ku taamayaan in ay soo celiyaan ugaasnimadii ay u lahaayeen dhaqanka oo wali kasoo kaban la' siyaasiyiintii uu tama baray Fransiisku oo shacbiyadii kala wareegay Ugaaskii Ciisaha.


Madaxweynaha Guelleh iyo Ugaaska Ciisaha.


Sida aan la socono dhamaan qabaailka Somaliyeed waxay ka dhaxleen gumaystaashii kala duwanaa ee wiiqay quwadii Ugaasyada tafaraaruq baahsan oo ku habsaday nidaamkii bulsho ahaaneed taasi oo ay ku badaleen sida aan kor kusoo sheegay Salaadiin danayste yaal ah oo iyagu waxkale aan maqlin ilaa sanqadha lacagta mooyaane walina sii sugaaya gunadii iyo bawladii u siin jiray gumaysituhu ayaa keentay maanta in ay ruxruxan hadba madaxweynaha talada haya ooy ku qasbaan in ka helaan waxii ay ka heli jireen gumaystayaashii galbaday laakiin waxaan ilaa maanta aan suurtoobin in ay yeeshaan suldaan qabiilka Ciisaha wali ma maqasheen Suldaan la leeyahay waa suldaankii beesha Mamaasan,kii Furlabe ama Sacad-muuse? Jawaabtu waa maya wali dadka ciisuhu waa kuwa jilbaha u aastay in aanay bulshadoodu kala qoqobmin taasi oo ay wali ku dadaalayaan odayaashooda waxgaradka ahi in aysoo celiyaan nidaamkii hore ee Ugaasnimada,

waxaase ugu jira siyaasad qoob ka ciyaar ah oo aan marna jeclayn Madaxweyne Ismail Omer Guelleh oo kamid ah ragii uu u jiheeyey gumaysigu oo aan walina ku guulaysan in ay kala dhamaadaan Fransiiska oo ilaa hada saldhigyo Millatary ku leh Djabouti ayaan marna jeclayn in shacabka Ciisuhu dhinac kale u ciiro oon xagiisa ahayn danta ayaana ku qasbaysa in uu la xafladeeyo caleema saarka Ugaaskooga ka dhici doonta Zeiylac bilaha inagusoo fool leh waana arin u taala qabiilka ama hogaamiye dhaqameedyada Ciisaha oo kaliya.


Samaroonku ma ku yahay Carqalad caleema saarka Ugaaska Ciise?


Dadka qaarkii waxaa iskaga dhexyaacay siyaasada iyo dhaqanka marna ma haboona in laga horyimaado arimaha dhaqanka waxaad arkaysaa dadka qaarkii oo websiteyada kusoo qoraaya digniin ay leeyihiin waa in aanan la keenin Ugaaska Ciisaha Zeiylac mana ogolin in lagu caleema saaro dhulkayaga,xaqiiqdiina anigu waxaan u arkaa in aanay haboonayn figradaasi sababtoo ah waa arin dhaqan ee ma'aha siyaasad anigu waan diiday waanan kasoo horjeestay in Zeiylac gudoomiye gobol ama maayerka laba jeer oo is xigta loo magacaabo Ciise ilaa hadana waan kasoo taaganahay in ay i marto dhamaan hawlwadenada gobolka laga jaray Awdal in ay dhamaantood noqdaan xul Ciise ah oo aanay ku jirin Samaroonka dega dhulkaasi mana ictirfsani wax layidaahdo Salal ee waxaa wali igu qufulan Awdal,

waxaanse usoo jeedinayaa bulshada Samaroon ee leh nooc kasta waa in aanay samaynin wax tahdiid ah waayo hadii aan maanta nidhaahno Ugaaskaasi waxa ku dhaca waad arki doontaan oo ay Al-shaabaab qarxiyaan xafladaasi caleemasaarka dee waxaa kamas'uul ah intii samanaysay tahdiidka mana fiicna tahdiidku oo wadanka aan joogo ee Yemen waxaa dhaqan u ah hadii ay laba nin is tahdiidaan marka ay cadho ka dhex dhacdo oo midkood yidhaah walee hadaanan aakhiro kuu dirin,waxaa dhacda mid col yihiin ka u dhaaranaya kankale in uu mid ay godobi ka dhaxaysay khaarajiyo kii loo dhaaranayey ama kii la tahdiidaye qofb sida uu u yaqaan kadibna waxaa la odhan marka uu nin kaleba dilo kii loo dhaaranayey ama uu si kaleba u dhinto oo meel cidlo ah oonlaogayn naftu kaga baxdo way iska cadahay in uu leeyaay dambigaasi kii u dhaaraney shalay e lahaa adaana akhiro kuu dirin waxaana la dhan dee waar ninkii hebel ayaa shalay lahaa ninkan waan dilayaa ee isagaa dilaydee ee waa in aynaan samaynin waxka dhan ah xafladaasi a samaysanayaan Ciisuhu walaalayaal sidaasi ayaa inoo balan ah iyo nabada oo aynaan ku jabin wax yar oo aan waxba ahayn sida Ugaaskaasi oo kale.


Waxaa haboon in lagala xisaabtamo sababta uu Dahirayale ugu magacaabay mas'uuliyiinta gobolkaasi qabiil qudha ee uu uga reebay dhamaan dadkii deegaanka taasi ayey calaamad su'aal ka taagan tahay guntii iyo gabagabadii waxaan leehay beesha Samaroon waa in aanay wax shaqo ah ku darsan arintaasi waayo waa hawl u taala Ciise oo kaliya waana in aynaan wax saamayn ah ku yeelan ha ahaato faragalin ama ka qaybgal xafladaasi ah ee waa in laysku daayo Ciise iyo caleemasaarkooda.

Nooli kulantee.

Mahammed Abirahman Sharif

Yemen Sana'a.
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Waraysi Khaasa : Ciyaartooy Xasan Waraabe Cade oo ka soo jeeda Somaliland oo ka mid ahaa Ciyaartooyadii Hore ee Soomaaliya.
Waraysi aanu la yeelanay Gudoomiyaha Ururkan horumarita wadooyinka Awdal/Salal (ASARDA), Pro:Xasan Cali Cismaan
Openion / Fikrada
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ... 
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
NOOLAATAY YIDIDIILADII NAXASHKA SAARRAYDE
Wasiirkii Hore ee Kalluumaysigu Ma Yaqaanaa Dr. Maxamed-Rashid?
Warqadda Wasiirka Afrika ee Ingiriiska, Henry Bellingham u soo diray Fay...
Codeeyoow Raqdaada lama fogeeyo
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Baroortu Orgiga ka wayn:Arinta Saado Loo Haystaa Maha Madaxweyne Rayaale...
Mabaadiida Qarsoon ee Mucaaridka Somaliland. Qaybtii 1aad.
Ma Laga Yaabaa Haduu Ku Guulaysto Doorashada Danbe Madaxwayne Rayaale...
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s philisti...
Random Photo
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
active ingredient in ambien